Maxamed Baashe Oo Iska Difaacay Eedaymo Loo jeediyay

0

“Nin makhnuud ahaan jirey hadduu kuu meselo sheegto
Waa meheraddiisii wuxuu kuu maldahayaa”.

Maalmahan dambe waxa soo noqnoqday hadallo u muuqda hadaaq aan laga fiirsan, wax caddayn ah na aan loo hayn oo aan la ina tusin runnimadooda.

Hadalladaas waa eedaymo ku saabsan in Somaliland burburinteeda mashaariic dhaqaale looga soo qaatay DF Soomaaliya.

Cidda arrintaas lagu eedaynayaa waa dad ka soo jeeda Somaliland oo midnimo-doon ah. Kuwa ku eedaynayaana waa dad kale oo isla Somaliland ka soo jeeda oo gooni isu taag ku adkaysanaya.

Waxa meesha yaallaa ee la isku hayaa waa labadaas aragtiyood iyo doodood, oo mid waliba isla eegisteedu mudan tahay. Aragti waxa lagu beegaa aragti kale, doodna waxa lagu gudbaa dood kale.

Aflagaaddada, cayda, canbaarta, orta iyo muusannowga dadka caammada ah ka imanaysaa wax ka soo qaad ma leh, hase yeeshee waxa ku hakasho mudan hadaaqa ka soo baxa afka dadka ummaddu u igmatay hawadinta hawlaha dawladnimo iyo qarannimo.

“Meyd maxaa u dambeeyey” baa la yidhi iyo “dee kaas la sii sido”.

Mus’uuliyiinta Somaliland ee afkooda laga hayo wax aanay caddaymo u hayn iyo wax ka soo hooseeya halka suunka laga xidho, waxa ugu dambeeyey oo ka mid ah xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah xubnaha aqalka wakiillada Somaliland.

Naasir shalay buu arrintaas ka hadlay oo eedaymo aanu wax caddaymo ah ku ladhin dusha ka saaray Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ra’yigiisa cabbiray oo hadlay iyo aniga (Maxamed Baashe X Xasan ahaan) oo ka mid dad ku hawlan dhaqdhaqaaqa “Mar Kale Midnimo” .

Xildhibaan Naasir ma keenin wax aragti iyo dood ah oo uu ku gudbayo aragtida iyo doodda dhinaca kale taalla oo aan ahayn, sida uu ku andacooday, in lacag lagaga soo qaatay dawladda Soomaaliya oo bixisa dhaqaale lagu burburinayo qarannimada Somaliland.

Qof waliba waxa uu yahay iyo siduu yeeli lahaa ama u fekero ayuu kugu masaalaa, sida gabayga sare ka turjumayo.

Xildhibaanku waxa uu Boqor Buurmadow kula hadlay afkii qabaliga ee ardaaga geela oo waxa uu yidhi waa “abtigay”. Anigana Maxamed ahaan waxa uu igu la hadlay isla afkaas ardaaga geela oo waxa uu yidhi “Inaadeerkii oo Bangiga Soomaaliya haysta ayaa ‘taabtay’ oo maalgelin siiyey”. Waa warkii suuqa ee dadka caadiga ah mala-awaalayeen, sidan xildhibaanku u hadlay.

Ereyga “taabasho” oo uu xildhibaanku dhawr jeer soo celiyey waa erey ka turjumaya hab-dhaqanka liita ee ka dhex jira siyaasadda uu ka mid yahay ee foosha xun ee lagu nugleeyo sharciga iyo hay’adaha dawladeed marka mooshinnada wakiillada kharashka lagu bixinayo. Waa erey bixin cusub oo uu xildhibaanku ina baray oo ka tibaaxo bixinaya molosha iyo aragtida xildhibaanka laftiisa. Weel waliba waxa gudihiisa ku jira ayuu dhididaa.

Teeda kale, xildhibaanku si qaran iyo si milge xildhibaan midna uma uu hadlin, qarankana uma difaacin ee waxa uu cuskaday “abtinnimo iyo ilmaadeernimo” oo muujinaya fahamkiisa liita ee uu qarannimada iyo dawladnimada ka qabo, nolosha iyo qaayasoorkeedana u yaqaan.

Waxa looga baahnaa aragti aqoonaysan in uu qaranka uu xildhibaanka u yahay ku difaaco ee ma ahayn in uu warkii suuqa iyo garashadii ardaaga geela ee hiilada qabali uu u magansado difaaca qaranka.

Ujeeddadu wax kale ma aha ee garashada iyo wacyigiisa siyaasadeed ayaa sidaas ah oo uu doonayaa in uu dadka ku hago. Waa tu aanu keli xildhibaan Naasir ku ahayn ee dad badan oo xilal ummadda hayaa kala mid yihiin.

Waa maan qurracan
Iyo garasho jaan.

Waxa ay tani i soo xusuusay berigii dhallinyaradii UFFO lagu eedeeyey in ay duminayaan qarankii ay dhisayeen 1981/1982.

Gunaabad:

Garashadaa laxankeedu aad u hooseeyaa waxa ay ishaaraysaa in ummadda reer Somaliland lagu wado god ka gun dheer kii lixdankii loogu ridey, mar ka la eego aragti la’aanta iyo u kala dheeraynta danaha gaar ahaaneed iyo manaasibta shaqsiyadaysan.

Waana ta keentay inay maanta dhallinyarada iyo waxgaradku ku baraarugaan mugdiga iyo raadka aan jihada lahayn ee 30 sano ku dhowaad ka dib cagta la saaray.

Waa ta keentay dareenka qawmiyadeed ee maanta laabta kala soo kacay bulshada Reer Waqooyi dhexdeeda ee ku baaqaya “MAR KALE MIDNIMO”, iyaga oo aan dheg u dhigayn doodaha reeraysan ee lagu ragaadiyey bulshadan muddada dheer daryeelka la’ayd iyo durbaannada calaacalka ee aan waxba ka beddelayn wixii hore u dhacay.

Midnimaan mar kale doonayaa aan u meel dayo.

“Ma didee Hargoolow
Haygu tumin durbaannada
Iyo daasadaha madhan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here