Maxaad Ka Taqaanaa Wakhtiyada Ku Haboon In La Cabo Biyaha?

0

1= markaad hurdada subaxdii ka soo kacdo in aad cabto biyo badan ayaa jirka ka caawinaysa in ay si fiican u shaqeeyaan xubnaha uur ku jirta, sida caloosha, kelyaha, beerka iyo wadnahaba.

2= markaad shaqo adag qabato ama aad jimicsi ama orad sameyso in aad biyo badan cabto ayaa ka caawineysa wadnuhu in uu garaaciisii caadiga ahaa ku soo laabto.

3= 30 daqiiqo cuntada ka hor in aad cabto biyaha ayaa ka caawinaysa habdhiska dheef shiidka in uu u shaqeeyo si wanaagsan.

4= ka hor intaadan qubeysan in aad biyo cabto ayaa kaa caawineysa in cadaadisku dhiigu uu hoos u dhaco.

5= hurdada ka hor intaadan seexan in aad biyo cabto ayaa ka caawineysa jirku in uusan fuuq bixin.

6= marka aad xanuunsantahay in aad biyo badan cabto ayaa ka caawineysa jirku in uu si fiican u guto shaqadiisii.

7= marka aad daalantahay in aad biyo badan cabto ayaa kaa caawineysaa in awoodii murqaha ay soo laabtaan.

8= marka aad la joogto ama ka agdhawdahay dad xanuunsan in aad cabto adigu biyo badan ayaa kaa caawineysa in difaaca jirkaadu uu awoodii uu xanuunadaas uga hartagi lahaa ay sii laba jibaarmato.

Cel-celis ahaan waxaa la rabaa 24kii saac qofka bini aadamka ah in uu cabo 3 ilaa 5 liitar oo biyo ah, hadaba adigu meeqa liitar oo biyo ah ayaad cabtaa 24kii saac?

Halkaan uga wac sxbkaa aan biyo badan cabin si uu uga faaiideysto faaiidada biyaha una SHAE garee

Dr amen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here