Maxaad Ka Taqaanaa Biladda Nabadda Adduunka Ee Loo Yaqaan “Nobel Peace Prize

0

Biladaha Nobel waa kuwo aad caan uga ah caalamka, oo loo aqoonsanyahay bilida ugu qiimaha badan adduunka. Laakiin maxaad ka taqaanaa ninka abuuray biladan? Alfred Bernhard Nobel waxa uu ku dhashay Stockholm, Sweden 21-kii Oktoobar 1833. Waxa uu ahaa nin Iswiidhish ah oo ahaa Saynisyahan, Injineer, Hal Abuure, Nin hubka sameeya iyo asagoo alifay maadada laga sameeyo qaraxyada.

Waxa uu ahaa maamulaha shirkada loo yaqaano Bofors oo ahayd shirkada weyn oo hubka sameeysa , taasoo markii hore ay ahayd warshada sameeysa waxyaabaha birta laga sameeyo, wuxuu ku dardaarmay, in la sameeyo biladda nabadda adduunka ee loo yaqaan “Nobel Peace Prize, taas oo loogu magaca daray Alfred Nobel, Alfred waxa uu ku hadli jiray lix-luuqadood oo kala  ah Swedish, French, German, Russian iyo Italian

Alfred Nobel waxuu Maraykanka waxbarasho u tagay markuu jiray 18 sano isagoo bartay maadada Kimistiriga. Aabihii wuxuu ahaa nin warshada leh faro badan, afred Nobel markii ku soo laabtay dalkiisii hooyo ee Sweden ayay burburtay warshidihii aabihii lahaa, isagoo Alfred inta badan wakhtigiisa waxbarashada Qaraxyada , 3-bishii September  sanadkii 1864-kii Qarax weynbaa ka dhacay magaalada heleneborg oo hoos timaada Stockholm, qaraxaasi waxa ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro Alfred walaalkii,  Alfred Nobel ayaa go’aanka in uu sameeyo Biladaha Nobel gaadhay ka dib markii walaalkiis ku dhintay. Alfred Nobel ayaa geeriyooday 10-kii December 1896, isagoo ku Joogay munaasibada ka dhacay dalka talyaaniga gaar ahaan magaalada  Sanremo,

Aasaaskii bilad Nobel Prize waxa uu ahaa sanadkii 1895-kii , ayadoo Alfred Nobel uga tagay dhammaan shaqaalihiisii lacag gaadhaysay ilaa 250 milyan oo dollar. Maadaama uusan Alfred wax dhaxal ah u reebbin qaraabadiisa ayaa dood ka dhalatay bilada Nobel, iyadoo maxkamad laysla tagay. Biladiii ugu horeysay ayaa la bixiyay sanadkii 1901. Ilaa 1902 bilada ayaa waxa lagu sharafay in la siiyo rag iyo dumar horumar ka sameeyay dhinaca Physics, chemistry, Linguistics iyo hadda oo lagu daray qaybta dhaqalaha ( Economic) Qofkasta oo ku guulesta bilada ayaa waxa la gudoonsiiya bilad dahab ah iyo qadar lacag ah, lacagta sanadkasta la bixiyo waxay ku xidhan tahay lacagta soo gasha Hayada Nobel,  Biladaha nobel ayaa awaxa bixiya Machadyada kala duwan ee dalka Sweden oo kala ah Machadka sayniska kaasoo bixiya biladaha phyics and chemistr iyo dhaqallahaba,

halka biladaha caafimaadka ay sidoo kale bixiyo akadmiyada swedenn, dhinaca biladaha luuqadaha Bilada Nabada ee loo yaqaanno Nobel Peace Prize iyaduna bixiyo machadyada dalka Sweden ee waxa  bixiya Gudiga Nobelka ee Norway, sida uu go,aansaday Alfred Nobel xubnaha Hayada Nobel waa in a noqdaan shan Xubnood oo u dhashay dalalka Sweden ama Norway, waxa kale oo uu ku dardaarmay inuu Xafiiskeeduna noqdo Magaalada Stockholm, waxa loogu talo galay inay musharaxiinta biladaha Nobelka sanadkiiba noqdaan 3000-kun oo qof,  dadkaasi loo ma sheego inay musharaxiin u yihiin biladaha Nobelka magacoodana lama sheego, waxa cod u qaada Machadada ay khuseeyso, iyadoo qofka ugu codka badan la siiyo Bilada sanadka ee Nobel, iyadoo munaasibada bixinta Biladaha ayaa ka dhacda magaalada Stockholm 10-ka December sanadkasta, xafladaha bixinta bilada Nabada ee Nobel Peace Prize-ku iyaduna ka dhacdo magaalada Oslo ee dalka Norway, iyadana inta badan waxa laqabtaa 10-ka December sanadkasta

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sanadkan ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway.

Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here