Maxaabiistii Ku Jirtay Jeelka Jigjiga Oo Xorriyadoodii Loo Soo Celiyay

0
181

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis u fidiyay 150 Maxbuus oo ku xidhnaa Jeelka Weyn ee ku yaala Magaaladda Jigjiga.

Maxaabiistan Cafiska loo fidiyay ayaa hadda ooda laga qaaday 109 ka mid ah, halka kuwa kalena la sheegay in maalmaha soo socda la soo dayn doono.

sidoo kale Isla Xabsigaasi ayaa waxa loo bedelay Masjid ay dadku cibaadaystaan.

Maxaabiista ku jirtay jeelkaasi ayaa xaaladooda aad looga dayrinayay, waxaana dhawaan hay’adaha u dooda Xuquuqda aadamuhu ay sheegayeen in in uu halkaasi ka jiro tacadi badani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here