Maxaa U Qorshaysan Ismaaciil Buubaa Marka uu dhawaan Hargeysa Yimaado?

0

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan marka uu yimaado dhawaan magaaladda Hargeysa.

Buubaab1

Ismaaciil oo u waramayay telefishanka Kalsan ayaa yidhi “Anigu waxaan ahay dadka aaminsan in qof kastaba xaq u leeyahay fikirkiisa, dadka sidaa qabaana (inuu raaligelin bixiyo) xaq bay u leeyihiin, waanay jiraan cabashooyin iyo waxyaabo kale oo la samayn karo, laakiinse anigu sideedaba siyaasadda waxaan u arkaa inay noqoto hab fal-curis ah oo laga wadahadlo wixii dani ku jirto iyo sida arrimaha loo hagaajin doono, balse aanay noqon mid fal-celis ah oo gocasho iyo waxaan maanta cidnaba wax u tarayn in la isku mashquuliyo oo aan anigu u arko waqti-lumis iyo waxaan cidnaba waxba u tarayn.”

Mar kale waxa la waydiiyey siduu u arko inay jiraan dad badan reer Somaliland ah oo u arka isaga in fikirkii Soomaaliwayn ee kaga soo horjeeday madaxbannaanidooda ay saamayn ku yeelatay aqoonsi Somaliland heli lahayd, waxaannu yidhi,“Marka la isku tago kolay waxyaabo badan baa la iska waraysan doonaa, waqtigaasi ayey ku habboon tahay in arrimahaas la dhexgalo, waxay ila tahay ka hordhac bay noqonaysaa in aan iminka faaleeyo dadka aannu isku iman doono iyo waxaannu ka wadahadli doono iyo siday wax noqon doonaan, laakiin waxaan rajaynayaa in si wanaagsan oo walaaltinimo iyo wax-wadaqabsi leh ayey arrimuhu iska noqon doonaan, aad iyo aadna waan u sugayaa arrintaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here