Maxaa ka qaldamay tallaalka Astrazeneca?

0
Tallaalka ay soo wada saareen shirkada Ingiriiska ah ee Astrazeneca iyo Jaamacada Oxford waa tallaalka qiime ahaan ugu jaban tallaalada ilaa hada loo ansixiyay ka hortaga COVID-19. Waxa kale oo guul u ahayd in uu yahay tallaal lagu kaydin karo talaagadaha caadiga ah oo aan u baahnayn qabowga xad-dhaafka ah (-74degree) ee tallaalada kale u baahan yihiin. Intaas waxa u sii dheeraa in shirkada tallaalka samaysay go’aansatay in aanay wax faa’iido ah ka raadin ee ay qiimaha uu kujoogo soo saaristiisu kaga iibiso caalamka inta kale.
Intaasiba waxay ahaayeen faa’iidooyin loogu xilan karo tallaalkan iyadoo judhiiba wadamo badan ay soo dalbadeen xadi aad u badan, ilaa shirkadiiba ay awoodi karin wayday in ay ku diyaariso wakhtigii lagu heshiiyay.
Halka saddexda tallaal ee kale ay adeegsadeen mRNA, Astrazeneca waxa uu adeegsaday DNA lagu sii dhex qariyay Fayras layidhaa Adenovirus si lo gaadhsiiyo unugyada jidhka. Bilowgiiba tallaalkani wuu ka awood yaraa tallaalada kale; laakiin qalan dhacay intii farsamayntiisa la waday ayaa sabab u noqday in awoodiisu korodho oo ilaa 90% gaadho.
Iyadoo arin fiican yahay oo waxoogaa xaga warshadaynta ah mooyee aanay dhib kale jirin ayaa dhowr qof oo koofun-afrikaan ahi falcelin khatar ah ka bixiyeen tallaalka. Koonfur afrika ayaa markiiba tallaaalka fidintiisii joojisay tilmaanayna in uu khatar caafimaad ku keeni karo dadka; hasayeeshee, sheegashada Koonfur-afrika dheg jalaq looma siin. Waxaad moodaa in hoos loo eegay oo lalahaa idinku afrikaan baad tihiine maxaad ka taqaaniin alaabta ragu samaystay.
Iyadoo arinkaas hore loo ogaa, shirkaduna ay si adag u beenisay dhowr jeer, ayaa wadanka Norway ( dadkii cadaa ee indhaha buluuga ah lahaa) afar qof tallaalkii ku xannuunsadeen, waa sida ay sheegeene. Waxay yidhaahdeen afar qof oo da’doodu u dhaxayso 16 iyo 40 jir ayaa waxa ku dhacay xinjirow dhiiga ah oo halis ah. Waa arin aan laga filayn qof da’yar oo caafimaad qaba, waxaanu aaminsanahay in tallaalku keenay. Markaas ayay nimankii reer yurub isla boodeen markiiba dhowr dal oo ay ka mid yihiin Irland, Holland, Denmark, ayaa sheegay in ay si kumeel gaadh ah u joojiyeen tallaalka ilaa inta la helayo xog miisaan leh oo beri-yeesha tallaaalka.
Arinta la yaabka leh waxa weeye si warbaahinta Ingiriiska iyo yurubta kale oo Maraykanku lasocdaa mawduucan uga faaloonayaan. Dhamaan warbaahinta waawayn ee Ingiriisku aad ayay u difaacayaan tallaalka iyagoo aan hayn wax ay ku xoojiyaan difaacooda oo beri-yeelaya tallaalka. BBCda, the guardian, the observer, the times, iyo inta badan tabloids ayaa dhufays adag ugu jira sidii ay ugu qancin lahaayeen dadka in tallaalku aamin yahay.
Dhinaca kale warbaahinta Yurub iyo Maraykan ayaa iyana weerar adag ku haya tallaalka oo wakhti badan geliyay sidii ay u muujin lahaayeen iintiisa. Waxaad arkaysaa maslaxada dhaqaale iyo siyaasadeed ee lakala riixanayaa in ay daah saartay xaqiiqadii oo ay ka dhawaaq dheeraatay codkii cilmiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here