Maxaa Ka Jira In Shirkada Tiktok Ay Dawladda China U Gudbiso Xogta Wadanka India

0

Shirkadda TikTok ayaa dafirtay inay la wadaagto macluumaadka dadka isticmaala adeegan ee udhashay dalka india  wadanka china,  ka dib markii New Delhi ay mamnuucday barnaamijkan aadka loo jecel yahay, iyada oo ay tilmaamayso amniga qaran iyo waxyaabaha qarsoodiga ah.

Shirkadda TikTok waxay sii wadaa inay u hogaansanto dhammaan macluumaadka qarsoodiga ah iyo shuruudaha amniga ee sharciga Hindida ah lamanay  wadaagin wax macluumaad ah oo oo ay leeyihiin dadka u dhashay dalkaasi ee adeegan ka isticmaala wax dowlad shisheeye ah, oo ay kujirto Dowladda Shiinaha” , ayay tidhi shirkadda oo ay iska leedahay shirkadda ‘China ByteDance’.

sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay oo ay tidhi “Wax Dheeraad ah haddii nalaga codsado mustaqbalka annagu sidaa yeeli mayno.

Waxaan ahmiyadda ugu saareynaa asturnaanta dadka isticmaala adeegan iyo daacadnimadooda,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saartay shirkaddaTikTok

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here