Maxaa Ictiraafka Somaliland Fogeeyay Oo Inaga Khaldan

0

Hadii 1991 Sidii AHN Madaxweyne Cigaal Cigaal Iyo Madaxweyne Cabdiraxman Tuur qabeen aan Magaca Dowladdnimadda Somalia qaadan laheyn. Ineynu markeynu dowladdnimadda qabsano iyaguna Hargeisa Marti inogu noqon lahayeen. Maanta calankenu aqoonsi buuxa ayu heysan lahaa. Aragti u baahan in wax la iska weydiiyo.

”N/B Qoraalka adoon wadda akhriyin haka faloon fadlan”

Taasi waxey keeni laheyd si dadban in aan caasimadii iyo awoodii dowladdnimadda gacanta ku heyn laheyn. Sidaas daradeed dowladnimaddu waa caajiib. Waxenu fursad u heli laheyn in eynu taariikhda Ku celino #30JUNE1960.

Sababta aan aragtida u qaba waxa weeye, maalintaas ayay ka fududeyn aqoonsiga iyo kalataga eynu dooneyno. Waxana inoo sahlanaan lahaa. Ineynu reer Moqdisho kuqancino. Dowlwdnimadii iyo caasimadiinii qaata. Anaga na fasaxa.

Iyaga ayaa kala jabi lahaa, dhamaan (South Central) 87% wey yeeli lahayeen. Waxaase laga yaaba siyaasiyiinta puntland wey diidi lahayeen. Waayo halka ey maanta magacii jamhuuriyadda caalamka ku maalayaan inaga mindidda daabkeeda heyn laheyn. Waxeynu awood u heli laheyn. Ineynu dhexgalno oo ey iyagu inasoo kala dhoweystaan.

Aakhirka waxa Iman laheyd in reer Moqdisho odhan lahayeen dowladdnimadda xamar hala keeno. ey caasimaddu kala weynaan laheyd midnimadd aaney rabin. marka xaqiiqdda noqoto balse afka ey Ka sheegaan. Sababtu waxa weeye, Somaaliddu ma rabto in si dhaba waxloo qeybsaddo.

Somaliland fursadda wey lumisey. Waxana dhaafisey caadifadd ku saleysneyd Jabhadii SNM iyo cadhii dagaalka ey soo galeen shacabka reer Soomaliland. Waxaan qabaa wali caadifadii wey inagu jirta. Dowladdnimadeena iyo siyaasiyiinteenu qorshahooddu ma cadda. Maaha mid dhaafsiisan aragtida eynu wadda qabno ee ah in aan helno madaxbanaani.

Aragtida labaad ee ila hada ina hortgaani. Waxa kamidda isbedelkii ka dhacey South Sudan, oo furey albaabka ah. In caalamku yidhahdo somaliddu iyaddu hawadda hadasho. Xamar siwalba oo wadda hadal aan ula galno diyaar uma ah iney ogoladaan aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland.

Kelmadda dadka afsomaliga Ku hadla. Waa gabasho goljileec ah. Somalinimaddu Waa Isir-Wadaag Ku saleysam sinji aan ka soo heedno. Sidaas darteed, dowladkiii kacaanka iyo calaankii buluuga ahaa waxey ku bedelney, dowladd iyo calan inoo gaara oo eynu 1960 Kula habowney Somalidda inteeda kale.

Waxa magaca soomali inala wadaaga. dadka degan Jamhuriyadda Djabuti, NFD, iyo Somali Galbeed iyo inta ku nool Jamhuuriyadii Dimuqradiga Somalia ee manta loo bixiyey Dowladda Federaalka Soomaliya.

Marka hadeynu nahey dadka Somaliland waa in aan la inagu cabsi galin Soomali-nimadda. Waxeynu Ku kala aragti duwanahey, kuna qadhaadhney, maamulkii dowliga ahaa ee eynu isku darsaney 01/07/1960.

Hadaba manta aragti ahaa, maalinwalba ineynu ka cabano mahaa. Madaxweyne (Villa-Somalia) ka talinaya oo saxeexiisa caalamku aqoonsanyahey, walina ku jira sheegashadda Somaliland. Iyagoo calaamka u sheega wadda hadal baa noo socda-khilaafkana waanu xalineyna oo aan aheyn mid sal iyo raad-toona leh.

Marka loo eego dhacdoyinka soo dhacey inta wadda hadalku socddey. Waxa inala gudboon in qorshe cadd laga yeesho, siddii dadka somaliyeed ee degan looga dhex sameyn lahaa. Xulufeysi afkareed oo u dooda in Somaliland lafasaxo eyna hesho calankeeda oo caalamku aqoonsaddey sidii South Sudan.

Balse ku iman-meyso mikrifoon laga ceytamo, siyaasadd aan caddeyn, iyo erayo afgobaadsi ah oo lagu micneeyo waligeen halkaaseynu joogney. Jiilka soo koraya waxey inaga rabtaan aragti cusub oo siyaasadeed oo bisil.

Waxey rabaan feker ey dhaxlaan oo qaadan oo ey dalkooda ugu halgamaan. Waxa dhegahooda ka batey, qabyaladda Makhayadaha Hargeisa iyo xafiisyadeena dowladda taal. Kala qeybsanaantaasi waxey ina dhaxal siineyna in qadiyadeeni wiiqanto. In aan wiilka dhalinyaradda ahi ku dhiiran Karin. Waxyabaha dalkani soo marey maaha waxsahlan.

Balse waxaan ka qabaya siyaasi aragti xumi inuu god-madow ku rido. Isagoo uga faa’iideysana dano shaqsiyadeed. Waxaan ku soo gunaanadaya in aqoonyahanka Somaliland iyo Mahadda derasaad ee waayadan danbe soo baxey ka soo saaraan qoraalo. Lagu sumadeynayo xagee ictiraafka dalkani inaga xigaa. Asxaabta qaranku furaan dodo noocan oo kale ah, lana wadagaan shacabka, aqoonyahanka.

Doodaashi dhaliso jidcadd oo xukumadeena ku jiheyn kartaa iney fahamto. Waxeynu u dooraney. Maaha siyaasadeenu iney noqoto mid ku jaan-go’an khilaafka iyo aragtiyaha kala duwan ee dalka gudahiisa.

Waxaan ugu baaqaya aqoonyahan iyo dhamaan dhalinyaradda akhridaa iney fikradooda ku darsadaan in aaneynu iska fadhiyin. Hadba xaaladda moqdisho ka soo baxda ku baraarugin.

Calaamka oo dhami qorshe ayuu leeyahey waddan walibana waxu leeyahey siyaasadd u ku saleynayo danihiisa gudaha iyo kuwiisa dibadda. Sidaas darteed waxeynu u bahanahey feejignaan dheeraad iyo in sidhaba looga wadda hadalno masiirka umaddan.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here