Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Oo Kormeeray dhismaha Jidka Isku Xidhaya Hargeysa Iyo Oodweyne

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jiddadka Somaliland Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo uu weheliyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Jaamac “Baqdaadi”, Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Diiriye Xayd, Maayarka magaalada Burco, Mudane Maxamed Muraad ayaa maanta safar koormeer iyo sahamin ugu baxay wadada isku xidha Goboladda Togdheer iyo Daadmadheedh.

Ujeeddada safarkan ayaa daarnaa gogol xaadhka bilowga dhismaha waddada isku xidhi doonta Burco ilaa Oodweyne, iyo Oodweyne ilaa Hargeysa.

Wasiirka iyo waftiga la socday ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, waxaa na ay kulan la qaateen salaadiinta, iyo waxgaradka magaaladda Oodweyne, waxaa na wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jiddadku ugu bushaareeyey dadweynaha ku dhaqan gobolka in si degdeg ah loo bilaabi doono haddii ALLE idmo jidka isku xidha Oodweyne iyo Burco.

Geesta kale, waxaa isna goobtaa ka hadlay Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac isaga oo dadweynaha iyo bulshadda gobolka Daadmadheedh kula dadaarmay in ay soo dhaweeyaan hawl-wadeenada, Engineer-da, Qalabka iyo Gaadiidka ka hawl geli doona dhismaha waddadan.

Guddoomiyaha Baanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baanka Dhexe JSL uu kaalin weyn ka qaatay maalgelinta qalabka lagu dhisayo waddada isku xidhi doonta Burco, iyo Oodweyne, sidoo kale Guddoomiyahu waxaa kale oo uu sheegay in ay hore uga qayb qaateen Maalgelinta 20 gaadiid ah oo lagaga shaqaynayo dhismaha waddada ceerigaabo, iyo Burco isku xidha.

Ugu dambayntii waxaa iyaguna goobtaas ka hadlay cuqaasha, salaadiinta, iyo waxgaradka Gobalka Daadmadheedh iyaga oo ka mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee Xukuumada JSL ka hirgelisay gobolka Daadmadheeh.

Wabilahi Towfiiq

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here