Masjidkii Saddexaad ee Dunida Ugu Waynaa Oo Pakistan Laga Dhisayo

0

Mid Kamida Ganacsatadda ugu Waawayn uguna Taajirsan Dalka Pakistan ayaa Shaaciyey in Caasimadda Dalka Pakistan Laga Dhisi Doono Masaajid Saddexaad ee ugu Wayn Dunida.

Masjidka al-Haram oo ku yaal Magaaladda Barakaysan ee Makkah iyo Masjidka Nabi Muxamed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee   ee ku yaala Magaaladda Madiina ayaa imika ah labada masaajid ee ugu weyn dunida.

Balse Masaajidkan Imika Laga Dhisayo Dalka Pakistan ayaa soo Galaya Kaalinta Saddexaaade ee Masaajidda Dunida ugu Wayn waxaana Loo qorsheeyay in uu Awood u yeelan Doono in uu Qaado  Dad Gaadhaya 800,000 oo Qof.

Masjidka ayaa la Sheegay in Loo naqshadayn Doono si waafaqsan Shareecadda Diinta   Islaamka.

Maalqabeenka isagu Bixinaya Qarashka Masaajidkan Ku Baxaya ayaa Sidoo Kale Sheegay in uu Masaajidku yeelan Doono xarun cilmi-baadhis oo Islaami ah, matxafka Islaamka, xarunta Lagu Baran Doono dhaqanka Diinta Islaamka iyo Waliba jaamacad caalami ah.

Masjid Lagu Macaabo Grand Jamia Masjid oo Ku Yaala Caasimadda Waddanka Pakistan ayaa ahaa Masaajidka Todobaad ee Dunidda ugu Wayn Kaas oo La Dhisay Sannadkii 2014-kii , isla Markaana Maekiiba Qaadi Kaara Dad gaadhaya 70,000 oo Ruux.

Sidoo Kale masaajidka labaad ee ugu weyn Dalka Pakistan, ayaa Lagu Magacabaa masaajidka Mughal kaas oo Gudaha oo Kaliya Qaadi Kara dad gaadhaya 10,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here