Masiibada Maamul Xumida (catastrophic regulatory failure)

0

Lubnaan ayaa dib uga soo kabaneysa ka dib qarax weyn oo ka dhacay Beirut Talaadadii 04/08/20 kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 200 qof kuna dhaawacmeen 6,000 oo kale.

Qaraxa ayaa burburiyey qaar badan oo ka mid ah dhismayaasha magaalada waxaana ku dhaawacmay dad tiro beelay.

Dhacdadan ayaa loo maleynayaa inay ka dhalatay dab ka kacay 2,750 tan oo ah maaddadda kimikada amooniyam naytraytis (NH4NO4), oo lagu kaydiyay bakhaar ku yaal dekedda magaaladaas.

Jamal Itani, oo ah duqa magaalada Beirut, ( lana filayo in godmadaw lagu rido goorta baadhitaanku dhammado oo eedda badh dhabarka laga saaro, musiqiisa iyo karti la’aantiisa awgeed) isaga oo eegaya burburka halkaas ka dhacay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters: “Waxay u egtahay goob dagaal oo madaafiic xoog badan muddo dheer lagu garaacay.
Golaha wasiirada ee Lubnaan ayaa ogolaaday inay geliyaan xabsi-guri dhamaan mas’uuliyiinta dekada Beirut ee iyagu mas’uul ka ahaa keydinta iyo amniga ilaa iyo sanadkii 2014-kii.

Haamaha kaydka hadhuudhka/dalagga beeraha (Grain Silo) ugu weyn ee Lubnaan ee dekada ayaa ku burburay qaraxii halkaas ka dhacay, kaas oo qiyaastii boqolkiiba 85 dalaggii/hadhuudhka ee dalka uu ku baaba’ay oo uu noqday xaalad aan la cuni Karin, halkaasna wadanka oo markii horeba xaalad adag oo dhaqaale la daalaa dhacayay ay dhibaato hor lihi soo foodsaartay..

Khasaaraha ka dhacay Beirut 04/08/20 ayaa u muuqda inuu ka dhashay “Musiibo Maamul Xumo” “catastrophic regulatory failure” oo ah kaydinta maadad Kimiko ah oo la yidhaahdo Amooniyam Nayterayt, sida ay sheegeen khuboro arrimahaas ku lug lihi.

Wadanka Libnaan waa wadan ay ku wada nool yihiin dad fara badan oo haysta diimo iyo madhabado kala duwan, waxa la yidhi dawladda wadankana qaydhinka ayaa lagu qaybsadaa oo qolo waliba way ogtahay dawladda qaybta ay ku leedahay, inta badan karti, wax qabad iyo aqoon shaqada ah looma eego dadka kuraasidaas ama jagooyinkaas qabanaya waayo dadku meesha cid gaar ah ayay metelayaan ama meesha u joogaan.
Libnaan maxaa inooga cabba ee aan meesha u soo dhigay?

Libnaan meelo badan ayay ka matashaa Somaliland, waxaan filayaa in muwaadin kasta oo garaad fiican lihi garan karo, Alxamdulilaah, inagu dawaa’if iyo diimo kala duwan malihin waxaanse leenahay wax u eg oo ah reero aan kuwaas ka belo yarayn, waayo inagaba jagooyinka daweladda wax noocaas u eg ayaa lagu saleeyaa oo tayada wasiirka iyo kaalinkasta meesha inta badan ka saara ama aan mudnaantii ay lahayd aan siinin.
Masiibada Libnaan ka dhacaday waxaa ugu horayn iyo ugu dambaynba keentay maamuxumo iyo musuq.

Illaa maalintii uu shilkaasi dhacay waxaa marwalba xasuustayda ku soo dhacda oo aan mar qudha ka bixin ‘XAALADDA BACADLAHA WAYN’ ee Hargeysa ku sugan yahay, dhawr goor oo aan wadanka tegay ayaan dhexgalay, meel aan ka soo galay iyo meel aan ka baxay waan kala garan waayay.

Sidii gebo-gebo fadhiisi loogu degay ayaan dibba loo habayn, waxaan wada ognahay in ummaddu waxii ay adduun haysatay badideedu inay suuqaas taallo, waddo laga galo iyo mid laga baxo midna malaha, dhinaca ayay isku hayaan, waxa ay iibinayaan waa polyster, plastic iyo viscoce oo ah dab haydhawayn ‘highly flammable material’.

Isku soo wada duub bacadlaha Hargeysa waa bum buuxa oo sugaya inuu qarxo, ‘ticking bomb’ rumayso ama ha rumaysan waxa uu ka dhigan yahay ‘dekeddii Bayruut’ ee qaraxeeda adduunku dhegaha faraha galiyay, inta goori goor tahay dadka maalkoodu meesha yaalo, haddii aanad haysan cid wax kuu nidaamisa idinka ayaa dani idin baday, lama odhan karo goobtaas dawlad hoose iyo maamul ayaa ka dhisan ama ka taliya.
Guul iyo nabad ayaan dhammaan idiin rajaynayaa
Dr Omar Noor, UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here