“Masar Koobka Aduunka Waxay U Dhigi Doontaa Taariikh” Ciyaaryahan Maxamed Saalax

0
309

Ciyaaryahanka caanka ah ee Maxamed Saalax oo ka mid ah ciyaaryahanada Xulka Dalka Masar ayaa sheegay in sanadkan ay ka go’an tahay sidii ay Masar meel Fiican uga gaadhi lahayd Koobka Aduunka oo todobaadkan ka furmi doona dalka Ruushka.

Laacibkan oo ku dhaawacmay ciyaartii kama danbaysatay ahayd ee Real Madrid iyo Liverpool, hasayeeshee iminka kasoo kabtay dhaawacaasi ayaa sheegay in xulka dalka Masar oo todoba jeer ku guulaystay koobka Qaramada qaarada afrika ay ka go’an tahay sidii ay meel wanaagsan uga gaadhi lahaayeen koobka aduunka “Inta badan koobka qaramada Qaarada afrika waanu u soo baxnaa todoba jeerna waanu ku guulaysanay, laakiin markana waxa aanu awooda saari doonaa sidii aanu meel fiican uga gaadhi lahayn koobka Aduunka” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here