Marxaladaha Lagu Gaadho Hadafka Nolosha Qormadii 11aad

0
270

Ka soo qaad Adigu imika waxaad haysataa liis ka kooban hadafyadada muhimka ah ee shanta dhinac ee noloshaada, hadaf walba waxaad ka qaadataa ka ugu muhiimsan kuna qor warqad yar si warqadan yari ay u noqoto mid kula socota had iyo jeer akhri waxaa ku qoraan aroor walba adiga oo jooga shaqada iyo ka hor inta aanad seexan.ka yeel ahdaaftan qaar maskaxadaada ku jira oo naftaada ku Milan oo had iyo jeer indhahaaga hortooda yaala

  • Intaa ka diba sawiro hadafyadan in ka badan saddex jeer maalin kasta sidaa aad u sawiranayasaana waa sidan
  • Fadhiiso meel degan oo bila buuq ah si fiican oo mugleh u neefso afar jeer, hadana nakhaaska iska saar afar jeer, indhaha isku qabo kadibna sawiro adiga oo hadafkaaga xaqiijiyay kadhig mid cad oo weyn ujeedada aan ka leenahay waxaay tahay in hadafkaagu noqdo mid maskaxdaad ku sawiran oo aad aragto in ka badan halmar ilaa uu ka noqonaya mid xaqiiqa oo dhaba mar kasta oo aad aragto oo aad la noolaato wuxuu noqonayaa mid kugu milma oo hirgalintiisu kadiba kuu dhibyaraato.
  • Aroor kasta ku dadaal inaad isku hubayso adkayn taban adkayntan macnaheedu waxaay tahay inaad hadafkaaga ku shaambadayso caqligaga, laakiin adkayntaasi waa inay noqotaa mid togan oo aad ku celcelisaa (anigu waan karaa xaqiijina hadafkayga, anigu waxaan ahay mid qawi ah oo karaa fulintiisa)
  • U dhaqan sidii adiga oo xaqiijiyay oo kale u dhaqan adiga oo madaxaaga kor u qaadaya oo kalsooni isku qaba, u noolaw sidii adiga oo guuldarada aan adigaba laguu abuurin, guusgu waa mid aad iigu dhaw kaliya waa wakkhti yar waxaa iga xiga
  • Marka aan u dhaqano sidii inaga oo xaqiijinay hadafkena, markasta oo nafteena iyoo caqligeenab ku boorino inuu noqdo mid ku dhisan rajada wanaagsan iyo mustaqbal rajo fiican leh
  • Adeegso qaacidada tobanka, samee maalin walba wax kugu dhawaynaya hadafkaaga qiyaastii toban santimitir wakhti kadib waxaadm arki adigaoo xaqiijiyay horumar la taaban karo.
  • Sidaa aan hore u soo sheegnay inteena badan ka baqna bilaabida hore ku dadaal inaad ka adkaato mushkilaada bilawgaa hore.

Qaad masuuliyada, noqo mid awood u leh inuu bixiyo takaaliifta xaqiijinta hadafkiisa, had iyo jeer noqo qayb kamida xalka, oo mushkiladaha ad adag si toos u waajaha , dadka hakku canaanan khaladaadka oo adigu haka ordin inaad masuuliyada qaado.

Noqo geesi safka hore gala,himilad sare waxaay u baahan tahay nin geesi ah oo ma baqe ah, muminka qawiga ahi wuu ka khayr badan yahay oo ilaahay wuu ka jecel yahay muminka daciifka ah.

Waxaa qoray Mubarik Abdi Siyaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here