Marwo Harriet Tubman

0
Marwo Harriet Tubman
————
Qiyaastii sannadkii 1822 ayay iyada oo addoomad ah ku dhalatay gobolka Maryland, Maraykan. Labadeeda waalid oo ka la ahaa Benjamin Ross iyo Harriet Greene wax ay ka soo jeedeen dadkii reer Afrika ee Maraykanka la gu addoonsaday. 8 qof bay walaalo ahaayeen, badankoodiina addoonsiga ayaa ka la lumiyay.
Magaceeda dhalashadu wax uu ahaa Araminta Harriet Ross, wax ay se u beddeshay Harriet Tubman ka dib markii ay sannadkiin 1844 guursatay John Tubman kaas oo ahaa addoon hore oo xoroobay.
Harriet addoonsiga wax ay ka soo martay silic iyo xanuun aan la ga sheekayn karin. Tusaale ahaan markii ay ahayd ilmo lix jir ah waxaa la amaahiyay nin ay guriga u ga shaqayso, kaas oo nabar culus madaxa ka ga dhuftay, jugtaasina wax ay ku reebtay cudurka suuxdinta oo ay ilaa maalintaa la noolayd. Waxaa kale oo weligeed jidhkeeda ku suntanaa jeedalkii la la dhacay.
Waayadaas Maraykanka addoonku haddii uu baxsado oo gaadho gobollada waqooyi iyo Kanada xor buu noqon jiray, aad ayay se u adkayd taasi. Gobolladii addoonsigu ka jiray ee koonfurtu si ay u joojiyaan siyaasadda xoraynta ee waqooyiga ka timid iyo fakashada addoomaha wax ay samaysteen hawlgal midaysan iyo ciidamo ilaalo ah, wax ayna cadaadis iyo cabsigalin badan saareen addoomahoodii. Waxaa se jiray fakasho joogto ah iyo abaabul kooxaysan oo addoomuhu ku baxsadaan. Addoomihii hore ee xoroobay iyo dad samafal ah baa taa ka qaybqaadan jiray.
Haddaba sannadkii 1849 iyada oo 27 jir ah ayay Harriet ka baxsatay addoonsiga ka dib markii ay ogaatay in iyada iyo addoomaha kale ee beerta ka la shaqeeya cid kale la ga wada iibinayo. Wax ay u baxsatay waqooyi keligeed markii uu ninkeedii oo isagu xor ahaa diiday in uu raaco. Wax ay gashay gobolka Pennsylvania. Markii ay waqooyiga tagtay danteeda ma ay raacan ee wax ay bilowday halgan ay ku soo badbaadinayso tobannaanka kun ee weli gobollada koonfurta ku cabiidsan. Wax ay gashay halgan adag oo leh dhiirrani, qar iska tuurnimo, ismiidaamin iyo nafhurid. Beeraha addoonsiga ayay qarsoodi ku gashaa, oo addoomaha ku guubaabisaa in ay fakadaan, oo siisaa xogta ku saabsan sidii ay u fakan kari lahayeen iyo meelaha la maro. Mar walbana qaar bay sii kaxaysaa.
Sannadihii uu socday dagaalkii sokeeye ee Maraykanku (1861-1865) wax ay ku yeelatay kaalin weyn oo taariikhi ah, wajiyo badan bayna ka ga qaybqashay: basaasnimo, kalkaaliso caafimaad iyo in ay addoomaha soo badbaadiso. Berigaa tiro aad u badan bay xoraysay. Waxaa si gaar ah loo xusuustaa hawlgal cajab lahaa oo loo yaqaan weerarkii “Raid on Combahee Ferry” kaas oo dhacay 2 Juun 1863. Weerarkaa wax ay hoggaaminaysay 150 askari oo Afrikaan ah kuwaas oo xoog ku soo furtay in ka badan 750 addoon.
Markii dagaalku dhammaaday ee reer koonfurkii addoonsiga jeclaa la ga adkaaday, Harriet Tubman wax ay degtay New York, halkaas oo ay ku xannaanayn jirtay labadeeda waalid oo markaa gaboobay. Sannadkii 1869 wax ay mar kale guursatay Nelson Davis oo iyada 22 gu ka yaraa. Sannadkii 1913 ayay ku geeriyootay New York iyada oo 91 jir ah.
Maantana marwo Harriet waxaa dunida loo aqoonsan yahay in ay ahayd mid ka mid ah dumarkii u gu geesisanaa u guna dadnimo sarreeyay ee taariikhda soo maray.
Sannadkii 2016 ayaa la go’aamiyay in sawirkeeda la gu maamuuso 20-ka Dollar ee Maraykanka oo la daabici lahaa kalhore oo ku beegnayd boqolguuradii haweenka Maraykanku heleen xaqa codaynta doorashada. Hayeeshee waxaa baajiyay maamulkii cunsuriga ahaa ee Donald Trump. Maanta ayay haddaba taasi dhab u hirgashay.
Qisada xiisaha lihi wax ay tahay, lacagta 20-ka Dollar ee gabadhan addoonta ahayd la gu maamuusayo awal waxaa ku maamuusnaa sawirka madaxweyne Andrew Jackson oo ka mid ahaa dadkii addoomaha lahaan jiray.
ibrahim hawd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here