Maree Wakhtigaaga Si Aad U Guulaysto. 12naad

0
187

Inaad ka xorowda khuraafaadka odhanayaa wakhti igu filan ma haysto,waan mashquulsanahay,waa arinka ugu horeeya ee aad ku hanan karto nolol habaysan iyo ka faaiidaysashaada wacaan ee wakhtigaaga iyo noloshaba si guud ahaaneed)Dr Ibrah Alfiqi.wakhtigu waa shayga ugu qaalisan ee nolosheena inkasta oo aan ku takhasusnay dayacaadiisa iyo lumintiisa inaga oo aan ogayn inaan nahay qaar nafteena sidaa ku dilayaa waayo wakhtigu waa noloshii oo dhan

Waxaa jiraa khuraafaaad bulshadaa dhexdeeda aad ugu fiday(wakhti ma haysto) waxaan arkaynaa mid odhanaya (maalin uun baan heli doonaa wakhti igu filan si aan u dhamaystiro wixii iga qabyo ah, maalin uun baan heli wakhti aan fasax qaato,maalin uun baan heli wakhti aan reerkayga la qaato, maalin uun baan heli wakhti aan kitaabka ku akhriyo, ama ciyaartaa ku ciyaaro)

Hadaba mushkilada jirtaa ma tirade saacadaha ee aan haysano ayaan inagu filayn mise mushkiladu waxaay tahay inaga ayaan wakhtigeena nidaamsanan si aan uga faaiidaysano?

Waxaala isku waafaqsan yahay in dhamaanteen aan haysano 24 saacadood maalintiiba,qaniga,faqiirka, ka farxanka ah,ka murugaysan, ninka maalqabeenka iyo ka xashiish guraba.inkasta oo hadaba aan wadaagno haysashada wakhtiga qaaliga ah laakiin waxaan si adag ugu kala duwanahay sida aan uga faaiidaysanayno.cilmi baadhis uu sameeyay Maikal foriyoono waa khabiir ku takhasusay maarayta.

Maikal Foriyon oo marakayka ahaa ayaa sheegay in daraasadaas oo ku qaatay labaatan sano, wuxuu ogaaday in qofka caadiga ahi uu wakhtigiisa u bixiyo sida soo socota,todobaa sanadood suuliga, lixsanadood miiska cuntada, 6 bilood sugitaanka calaamada laydhka gaadhiga hagta,120 saacadood nadiifinta ilkaha,

Baadhinta fooriyoono qofku maalinkii wuxuu xaaskiisa la sheekaystaa afar daqiiqo nuskeedna caruurtiisda, inaga oo hadaba ka duulayna daraasadaan waxaan leeyahay ruuxa cimrigiisu gaadhayo 80 sanadood kaliya 240 saacadood amase 10 maalmood ayuu caruurtiisa la qaataa. Guusha nolosha laga gaadho waxaa hoggaamiya waa wakhtiga, kolba sidii loo mareeyo ayaa looga gun gaadhaa furahaa guusha noloshaa. Wakhtigu waa muhiim, waayo waa kolba sida aynu u Baraarujinta Awooddaha

 

Waligaaba xoog uun baad wax u cuni, haddii aad garan waydo inaad tahay mid cadho badan dee waligaaba sidaa uun baad ahaan oo isbadali maysid, haddii aad garan waydo inaa tahay mid awoodiisa aan adeegsan maysid, haddii aad garan waydo in cabida sigaarku uukhatar ku yahay diintaada iyo caafimaadkaaga iska daynmaysid ee waad wadi uun waligaaba, garashadu waa furahaa shay walba,sidaa awgeed waxaan daahfuray shay cusub oo muhiima, kaasoo ah in fahanku ama garashaadu tahay bilawga shay walba, isbadalkuna waa bilawga koritaanka, Korintaankuna waa bilawga horumarka,

Horumar ma dhaco garaasho la’aan, haddii aad awoodahaaga garan waydo ma adeegsanaysid, waxaa lagama maarmaan ah inaad garato in ilaahay ku siiyay awoodo aan xuduud lahayn oo ay daruuri tahay inaad adeegsato, waxaanada ogaataa inay jiraan caqabado (challenges) waxaanan ka wax ka baranaa oo aan la kornaa waa caqabaadaas

 

Qoraa: Mubarik Abdi Siyad MBA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here