Maraykanka Oo Qabtay Afar Markab Oo Iran Ay Leedahay

0

Maraykanka ayaa lagusoo waramayaa in uu qabtay afar ka mid ah maraakiibta dalka Iran oo shidaal u siday dalka ku yaala Koonfurta Ameerika ee Venizuela.

Saraakiisha Maraykanka ayaa wakaalada wararka ee Associated Press u sheegay in maamulka Trump uu qabtay maraakiibtan.

Xukuumadda Trump ayaa rabta in ay cadaadiska kusii kordhiso labadan waddan ee iska bahaystay cunaqabataymaha badan ee Maraykanku uu kusoo rogay.

Xeer ilaalinta Maraykanka ayaa xustay in ay maraakiibtani sideen 1.1million oo foosto oo naafto ah, isla markaana lagasoo saaray dalka Iran.

Safiirka Iran ee dalka Venizuela ayaa beeniyay in maraakiibtooda uu Maraykanku qabtay. Wuxuu ku tilmaamay dagaal maskaxeed oo Maraykanku uu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here