Mar kale waxaan usoo Jeedinayaa Guddida ka hortagga Covid19 ee SOMALILAND qodobadan .

0

Mar kale waxaan usoo Jeedinayaa Guddida ka hortagga Covid19 ee SOMALILAND qodobadan .

1. In ay Hakiyaan isu socodka Gobolada dalka marka laga reebo xaaladaha degdega ah.

2. In cashuur dhaaf loo sameeyo dhamaan cuntada dalka lasoo geliyo, Dawooyinka iyo agabka Lagaga hortagayo Caabuqa Corona Virus iyadoo qodobakaasi uga goleeyahay in shacabka loogu tudho maadaama shaqooyinka baddankoodi la hakiyay.

3.in Go’aan laga soo saaro basaska iyo taxi-yada bulshada u adeega isla markaana la xaddido saacadahooda shaqada.

4. In kullamada golayaasha wasiirada, deegaanka laga dhigo mid online ah, arrimahaasna loo xilsaaro hay’ada arrimaha technologyada u qaabilsan Qaranka

5. Iyo ugu dambayn in hay’adaha warbaahinta ee dalka ka hawl gasha ay wacyigelin dheeraad ah bulshada gaadhsiiyaan isla markaana ururka SOLJA ka Hawlgalo Qeyb libaax leh ka qaadato in bulshada ay gaadhsiiyaan Fariimaha Caafimaad iyagoo ku gudbinaya Cod,Muuqaal iyo Qoraalba.

#Taladayda_Walid Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here