“Mar Baan La Taliyay Madaxweynaha, Waanu Iga Qaatay…” Jamaal Cali Xuseen

0
426

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in intii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talo uu siiyay uu sideeda u qaatay, hasayeeshee ay fulinteedu ku soo raagtay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka HCTV, Waxaana uu yidhi  “Mid baan hayaa anigu, waana telefishan umadiina waa I dhagaysanaysaaye, maalintii ugu horeysay ee uu Kursiga ku fadhiistay ee la dhaariyay intii aanan dalka ka bixin waxa aan kala taliyay oo aan ku idhi haamaha soo celi, in kasta oo ay wakhti ku qaadatay hadana waa kaas soo celiyay.

Sababta aan taas u lahaana waanigii hore uga hadlay Haamaha, markaa anigu xabbadaas waan hayaa, talooyin kalena waa jiraan, waxaase laga yaabaa in ay sida taas oo kaleba ay soo raagaan” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here