Maqadiirta rabbi! …… Ahmed Dhahar

0
Hadda ayaa salaaddi maqrib laga soo baxay, badanka dadku waa wada tabcaan cagaha jiidaya, baacsiga arsaaqad aanan garanayn ayaanu la soo jihaadaynaa, qof hela iyo mid waayaba oo ay maqaadiirtu ku jaasto waanu lee nahay. Soo lugeeyay oo xafadda ayaan lug kaga soo baxay, ummaddu diif badanaa, maya e anaa tabcaan ah laftigayga diifbaa iga muuqata waad yaabaysa. Waan xarago-jeclaan jiray balse maanta taas awood badan uma hayo, xattaa maan soo cadayan! Haa… maan soo cadayan..! Ma garanayo sababta, mana kala jecli inaan ogaado sababta, kabahayga ciidda saaran waxaad moodaysa inaan lug kaga imi ban cadihii loo yiqiin Xadeed.
Waa tan meheraddii caana-geela, waa meel ay diif iyo daranyo badani ka muuqato iftiinkuna ku yar yahay, nadaafad badani kama muuqato mana uskag badna balse way shaah macaan tahay, waa meel buuq badan oo ah halbowlaha magaallada, waanba ku nafisaa buuqa, agah! Waa kuwan raggaan u socday oo caawa badana raggu ayaan hoos iskula xanshaashaqay mana badnee annigaa is moodsiiyay. Salaam diiran ayaa cod iyo gacan ku gaarsiiyay iyaguna iga qaade, si bilaa dareen ahna waan u soo ag fariistay meel dacalka fadhigooda xiga, kumase darsan sheekadooda, way yaabeen oo ila yaabeen anna yaabay oo waanigan maskaxdayda ka dhagaysanaya “war ragu maxay kaa eegayaan” mid Cali la dhoho ayaase igaga jiidhay “war Axmed ma qaadkii xalay baa wax ku dhimay kkk, waxay sidani badhamada shaadhka hagaajiso neefow” hal mar ayaa qosol is jiitay weliba si nacayb xumi ka muuqdo, anna kamaan qasin e waan la jiibiyay hoostuse way i gubanaysay, waxaanna ugu jawaabay “kkk, haye saaxiib mahadsanid” oo afka uun ah ayaan kaga baxay “war xalay maxaa ku helay sheeko miidhan baad ahayd e markaynu murqaannay” waa kan mar kale intan iska soo jaray, “War Caliyow maxaad aragtay xalay? habeen baas ayuu ahaa oo aad xoollo shaydaan i siiseen e” intan kolkaan idhi ayaan u raaciyay “sigaarkan ii shid” kadib ayaan u nuugay si bilaa naxariis ah oo cadaawad badani ka muuqato korna u afuufay, fuuf… xaax! “War sowtaad xalay qosolka naga dhamaysay, markaynu fadhinay islaantii jidhka macaanayd e Xaawo war sowtaad dhawrka jeer salaantay e ay kaa qaadi wayday oo aad xanaaqday cayna u miistay, miyaadan xasuusan markii uu kii walaalka ahaa inooso galay inaga oo Maxammed Mooge iyo Shankaroon dhagaysanayna;
—Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbowluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiiga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqontaa nasiib lihi
Marka ay dooxdee
Birta kala dashee
Kugu celiso daabkee—
Sawkuu iska soo jaray bahal wacdi ah: [Heesuhu waa xaaraan, Illaahay ka baqa oo iska damiya, war Axmedow qaadku waa maxay nin aqoon yahan ah ayaad ahayd e?] Agah! miyaad xasuusataa waxaad ugu jawaabtay kkk, [War walaal aqoonta qaado oo baakir sigaara igu reeb caawa! Oo ninyahow ma aqoonyahan baan ahay Caliyow horta? dee mooji! waxaan ahay, war wallaahay waan ahay aqoonyahan sowtaan jaamacaddii dhammeeyay, haa dee, saddex sanno ayay lacag iga qaadayeen, waan ahay aqoonyahan, war shaqo la’aan iyo aqoon la’aani yaanay kugu dhicin e kelmadan aqoonyahan sii hayso oo dadkaba ku harawso, Haa walaahay war dhan, aqoonti oo qof ah ayaan ahay].
Gariir aan cod dheerayn ayaan maqlay, haa! waa teleefankaygii daranyada baddani ka muuqato, Agah! oo waa Xamdi e, tolow maxay rabtaa xilligan? dee aday ku rabtaa sowtaad la balansanayd. !
Aniga: Halloo Xamdi, waan ku maqlaa e
Xamdi: ii waran Axmadow dee huteelkii Istaar ahaa baan kugu sugayaa e kumee?
Aniga: —ka hor intaanan u jawaabin aan hoosta kaga gunuunacay; Ahey-ah habaar kugu dhac miyaan dhahaa, ma xiligaasa laysku yeera— waan ku iman e iyara sug ayaanse cod hoose ugu dhawaaqay aakhirkii.
Dharkayga eeg duruufta iyo daryeel xumada ka muuqata, shiirka iga soo uraya waad yaabaysa, uf! war u tag haday rabto ha ku nacde ma keligeedaa aduunka naag joogta islaanti qaadkaaba guursan haday ku nacdee.
Hadda ayaan soo istaagay istaanka baska, Haja! baska baasina muu buuxsamo aanu iska dhaqaaqnee. Dhaqaaqnay oo buuxsam, waxaan fadhiyaa kursiga hore e baska magaaladu laamiya xumaa oo fool-xumaa lasii-qaadkii mayirka ahaa habaaray oo hiifay, kan danbe wanaag ka rajeeyay, kana degay, huteelku weynaa, meeshu laydh badana ma janadii baa oo janada ifkeeda halkeed ku aragtay xoolow? dee mooji! haddaa ma mugdi baa war maye waa if, galay meesha baas, waxay dadkan laba-labada u wada fadhiya e is dhunkanaya laydin sii qaad, bal waxaa daya nacalad rabi idinku dhacday, miyaanay muslim ahayn, wacay Xamdidii, gacantana ii taagtay, sow iyadaa i aragta! Waa gabadh madow xigeen ah balse makeup isku soo cadaysay, muuqaal caato xigeen ah hadana aan laga naxayn, ar wuxu caraf badana ma Maryantii Nebi Ciise (CS) dhashaybaa, oo xilimaad maryam ursatay! dee maaqaan way udgoon badnayd, waan hubaa taas.
Salaan aan kalgacal badnayn kadib arkay in ay ila yaaban tahay, daalacday oo akhristay qalbigeeda “Oo maanta ninku uskag-weyna waxay qofkani miyuu xanuunsan” inay leedahay dareemay, hadalkana dhaafiyay oo ka waraystay nolosheeda, indho kalgacal ka muuqdo isku dawanay xogaa jirkeeda cajiibka ah isha kalla dhergay sidii inaan hamuun badan u qabo taataabashada jirkeeda, ahey-ah, war qofku macaanaa, ma sida malabkaan muudsadaa, xasuustay heeski aha;
–Allow yaa maalka badan
malaayin kaa baxsho
marku meherkeenu dhaco
intuu ka furo maryaha
macaan isku kaa mar-mar
Hadana isku kaa mar-mara–
Ahey-ah is qabtay oo hadana ogaaday inaanan is qabin, meeshana la buuxo, dejiyay naftaydii hoosta laga cadaabayo oo aad moodid in malaa’igi xaabo ku shidayso. Meesha aanu fadhino isha la raacay, cajiib weynaa! meeshu qurux badana, oo halkani ma magaalladaad joogtid ayay ku talaa, haa dee oo hadaa miyaad-dhooftay.
Aragtay isla maqnaantayda, waryaa Axmed waxaan rabaa inaad i guursatid sababtaas ayaan kugu yeeray qaali, muddo lix sanno ah ayaynu isla soconaa, Walaashaydii iga yarayd iyo hebel isguursade sow ma ogid keligay baa haray e, inaga maxaa ina haysta.
Wagarey-wager guur aa! war qoftu miyay waalan tahay, haja! War walaal anigu shaqana ma haysto waad ogtahay inaan sadex-sano bilaa shaqo ahaa, e bal arinka dib inoogu dhig.
Yur iyo hus dib maxay ah, war asaageen tobanaan-caruura ayay leeyihiin waaxay sug, waa garta adigu waad dhali karta xili walba balse anigu waxaan rabaa inaan hooyo noqdo i maqal ii rumee riyadayda wiilow.
Ar walaal maqaadiirta Rabbi ayaa igu jaastay oo ciyaar iga dhigatay, adna ha iigu tegin, kun shilin ma haysto e bal i yara sug ama aysan ahayn nin i dhaama Illaahay haku siiyo, ogowna waan ku jeclahay, wana ku jeclaan doonaa inta noloshayda ka dhiman, waxaad ii ahayd riyo iyo run, nin noloshu laangab ka dhigtay ayaan ahay aniga oo ku jecel ayaanan hadana kula nolaan karayn e, iga raali-noqo, WAAN KA XUMAHAY!!
Hush, awalba annagaa doqon baas waqti siinay, war na amaan geli waxba ha na jeclaan hadaad rabtid, lix sanno oo noloshayda kamid ah ayaad ku ciyaartay e, ilama soo hadli kartid nacasyahow uskaga weyni. Qalbigayga illaa iyo hadda waxaa ka sii yeeraysa NACASYAHOW USKAGA WEYNI.! WEYNI.!
No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here