Malaha Dadka Waxaaa Loogu Daraa Biyaha Shaambiyo Miito Waa Kuwan Daawanaaya Dulmiga Iyo Gumaadka Ay Xukuumadu Ku Hayso

0

11014628_10153655501333383_6508702792132649708_nTaad Maqashaaba tii hore ka daran waxaan Maqlay in wax la yidhaado Shaambiyo Miito oo ah Shay loo Adeegsado Sixirka ama Qataarka Dadka Habeen walba lagu daro ama lagu Shubo Berkeda Biyaha Shiinaha Berkedaas oo ah Meesha ay Biyaha ka helaan Dadka ku Nool Magaalada Hargeysa, sida la sheegey Qof kasta oo Caba ama ku maydha Biyo lagu daray Shaambiya Miito wuxuu la mid noqonayaa Neef Xoolaha oo waxa ka lumaya Garashadii uu kaga duwanaa Xoolaha Tusaale ahaan Labada Neef marka mid ka mida la Qalo ama la Gawraco ka kale ma garto in isagana lagu xigsiinayo oo la Qalayo markaa waxaad Maqlaysaa Axmed Siilaanyo ayaa Fadhiya Shir M/weynaha Somaliya Hogaaminayo ka dibna waad yaabaysaa laakiin halkaa ka gudbi meysid waxaad arkeysaa Qof si badheedha loo Diley, waad ka waramaysaa laakiin Taalbo kama qaadeysid waxaad maqlaysaa Xalay ayaa loo daatay Gurigii Hebel Caruurtii iyo Dumarkii ayaa Rasaas lala dhacay, Hebelna waa la qaatay waxba kama odhanaysid waxaad arkaysaa .Wershedii Leydhka ee Hargeysa ayaa Nin la siiyey, Ddekedii iyo Haamihii oo la Iibiyey, waxaad maqlaysaa Hawadii, Budhcad Badeedii iyo Isgaadhsiintii Somaliland waxa lagu daray oo lala Mideeyey kuwii Somaliya waxaad maqlaysaa ama arkaysaa wax kastoo ku lid ah ama Halis ku ah Sii-jiritaanka Qaranimada J.S.L. Laakiin waxa meesha ka baxday Awoodii, Garashadii ee waxan xun diidi lahayd oo qofka Hargeysa joogaa wuxuu Cabey ama ku Fool-dhaqday Shaabiyo Miito oo Habeen walba laga qaado Qasriga M/tooyada Salaada Waaberi ka horna lagu Shubo Berkeda Biyaha Shiinaha kol hadii sidaasi jirtana xataa Toban Qof hortaada hadii lagu Gawraco ka Ordi meysid ama ka Carari meysid ee waad iska taag naanaysaa ooGarashadii kugu odhan lahayd ka baxso ayey kaa lumisey Shaabiyo Miito markaa horta Ilaahay ha inoo Sahlo oo Aniga Qudheyda waan Dareemayaa iney wax jiraan waayo markaan is idhaahdo ka Dagaalan Xumaantan iyo Dulmigan ay wadaan Axmed Siilaanyo iyo Casaabadiisu hadana wax kale ayaan u baydhaa laakiin sida la sheegey isticmaalka Shaambiyo Miitada iyo Sixiroo dhami waxay shaqeeyaan mudo gaaban waxaana ka adag oo baabiiya Afarta Qulaacuudu ee Quraanka oo aad Habeen iyo Maalin Akhrido markaa Akhriste sidaa yeel oo ku dhanqan

Qalinkii Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here