Majority leads minority ! W/Q:Ustaad Cabdinuur C.Soofe.

0
Waxyaabaha Soomaalidu aadka u qalad fahantay waxaa kamida: ‘Majority leads minority. Inta badani inay maamusho wax. Marka sidaas la leeyahay macnuhu maaha koox isku abtirisa ayaa meel qabsanaysa ee hal-beeggu;waa aragti iyo in meesha dadku u badan yahay mabda’a ahaan laysku raaco.
Ma u malaynaysaa in ay Ilhaan Cumar, Mareykan madax sare ka ahaan lahayd, haddii sida dadka qaar u qaateen ay tahay kala badnaantu? Mase u malayn lahayd in London uu Pakistaani -Saddiiq Khaan- maamuli lahaa?.
Aragtida isirka iyo abtiriska ku salaysan waa halbeeg gurracan;sababtoo ah dadka isku isirkaa ah, isku doonis iyo mabaadi maaha , isku garaad maaha, isku sina wax uma wada arkaan umana wada rabaan.
Hal-beegga noocaan ah waa lagu qasaaraa, dhammaan waddamada abtiriska laysku hoggaamiyo, waxaana ku luma danta shacabka, waxaana ka abuurma koox talada afduuubata oo bulshada u qaybisa qaar ay xaqiraan iyo qaar ay ku adeegtaan.
Soomaalida reer kore ilaa tuulo iyo xaafad hoosaad, waxaa dantoodu ku luntay waxaan macna u samayn nolashooda.
Tuulo Soomaaliya kamida ayaan dhawayd, Hey’ad baa damacday inay rug-caafimaad u furto bulshada meesha degganayd, qof xirfadle caafimaad ahna waa laga waayey, dadkiina waxay yidhaahdeen; annagaa u badan waa in annaga mid kamida lagu qoraa! Sidii ayey Hey’addii qorshihii ku istaajisay.
Majority iyo Minority sida bulshada loogu safiray, jar bay ka tuureysaa. Cidna xaq u male isir iyo wax dadka kala qaybinaya inay wax ku maamulaan, mana ahan wax meel ku istaaga ama bulshada horey u wadi kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here