Mahad celin sheekha Qaranka Sh Adan haji mohamud Hirey Adan (Siiro)

0

 Sida’aynu dhamaan teen Ognahay Diinteena  Iyo “dhaqankeenii Gobanimada Hodanka ku Ahaa ina Farayaan “Ayaa ah in loo mahad Celiyo Cid Kasta Oo wanaag Samaysa+kuu Samaysa,

Haday mid shakhsi Iyo mid Shacab Wayne Tahayba,Waayo Nabigeenii Maxamed ahaa (CSWS )waxa uu inna Yidhi “(Qofka Aan Dadka U mahad Celinin Ilaahayna Uma mahad celiyo)

Waxa aynu ognahay in ilaahay umadiisa “kala Hab dhaqan Duwey”oo Sifooyin kala duwan oo farabadan kala’siiyay sheekh iyo shariifba,

amma qof kasta oo ibnu Aadam’ahi leeyahay sifooyin wacan iyo Qaar kaloo badan’ba,

*  Hadaba qofba in ayuu ka siiyaa Sifooyinkaas   Wacan ee kala sareeya,Waana Hibo ilaahay gacantiisa ku xidhan oo Cidda uu doono ayuu siiyaa,wax qofku samaysan Karo amma iska yeel yeeli Karona maaha,ilaahay waxaynu “ka baryaynaa in uu inta wacan inagu Arzaaqo sifoyinkaaas” iyo dhaqan kasta oo wacan”

* Sheekh Aadan xaji Maxamud sidaynu Ognahay waxa uu ka Mid yahay Culimada waawayn ee reer Somaliland gaar’ahaanna waa nin Ex reer hargaisa ah,inta Badanna aynu ku naqaano amma looga bartay”inuu ka hadlo mar walba Arimaha Caamka ah Ee reer Somaliland khuseeya”baraarujinta shacabka mid Diineed iyo Hadday tahay Toosinta Nidaamkaas xukuumiga ah ee Waddanka Taladiisa haya”iyo waxyaabaha Shacabku kaga Cabanaayo xukumada  ayuu Maalintaas Jimcaha ka Hadlaa

Iyo wax kasta oo ula muuqda shekha iney dhaawac ku keeni Karto Qarannimadeenna Somaliland iyo midnimada bulshadeena sida wacan nabadda ugu wada nool ee ilaahay meesha ku wada beeray isna wada dhashey“

* “Sheekh Aadan (Siiro)iyo Intaan ka aqaano””

*  Waa shakhsi ilaahay ku Arzaaqay xilkasnimo 

* “Ah Inuu ogaado u’kuur’galo xaaladda qof’ahaaneed iyo bulsho’ahaaneed ee “ Mujtamacaas ku xeerani ku noolyahay waliba jecel inuu danyarta Aad ugu dhuun daloolo xaaladdooda nololeed,Lana qaybsado dareenkooda dhabta ah,wixii Awoodiisa ahna aan hagrasho Aqoonin”waa shakhsi Aaminsan in aanu macaan lahayn amma dhadhan lahayn Maalkaagu haddiiiba jaarkaagii amma Ehelkaagu ka qatan yahay oo uu ka baahan yahay,waxaynu Aragnaa had iyo jeer Sheekha oo ku leh dawladda Tan iyo kuwii Horeba War lacagta Aad galinaysaan meel Aan munaasib ku ahayn galiya xaafadaha hargaysa ee Boqolaal-ka Qof ku dhex bakhtiyayaan waliba aynu Aragnaa asagoo tirinaaya xaafad walba inta ku dhex duruufaysan,een soo gudbin karaynin xaaladdooda  nololeed ee waayaha Qalafsani ku Gadaaman’yahay,

* Waxaan xasuustaa wakhtigii m/wyne siilaanyo 

* “Lacag dhawr boqoloo Kun ahayd,oo ay koox “wasiiro ahi xamar geeyeen caawimana ay ku sheegayeen oo sheekh Aadan aad uga qayliyay kuna diidanaa Lacagtaas muqdisho Lala Aadayo maadaama ay jiraan boqolaal danyare oo ku baahan hargaysa gudaheeda iyo madaxtooyada Agteeda kuna duruufaysan “Waxaan xasuusanahay bari dhawayd oo dagaaladii beelaha bariga Somaliland socday Inuu muuse ku lahaa war Lacagta umadda’  dhiiga shacab kaaga ku kala’furo waa xaaraan dhiigii shacab’

kaaga o socda amma Daadanaya inaad lacag ta Waddanka Qufulataaye ku bixi lacagta heshiisiinta beelahaas reer Somaliland”

* Sida aynu wada ognahay Qabaa’iladda somalidu waa dad is wada dhaley oo isku noqnoqda oo Abti iyo adeer miidhan isku ah marka lasii wada baadho”Sheekh Aadan waa ninka og hargaysa Afarteeda koone 6:00 subaxnimo Mid kasta oo ehelkiisa ah xaaladda ay saaka ku soo kaakaceen,Hadday tahay walal,Abti,ader,marka salaada subax laga baxo ayuu Sheekhu ka war doonaa Habar’yarihiisa koonayaasha hargaysa dagan iyo waxay sii dhaleen,iyada oo ay joogaan kuway dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen habaryarihii,aan ku halayn dhamaantood,bal iska’daa iyagee kuway sii dhaleen ayuu u sameeyay dhakhaatiir (Senior home care services)ah ugu Samaysa guryahooda,As’sagaana qarash gareeya,Mid kasta wixii tafiirteeda ah Ayuu halkiisa ku ogyahay iyo xaalkiisa, waa Hibo ilaahay bixiyo inaad qaraabada amma Riximka xidhiidhiso maaha wax sahlan Runtii,””””””””

* diinteenuna waynu ognahay qiimaha aadka u sareeya ee ay gaadhsiisay xidhiidhinta Riximka

* sheekh Aadan waxaad ka baranaysaa noloshiisa shayga samafalka waalidka iyo hadday tahay mid ummadda kale ahba”waa  sheekha guryo daaro ah u dhisay iyo dhulkiiba habar’yarihiis,haddana sidaa ugu sii xannaaneeya xaalkoda kalena sidaas uga war Haya,sheekh Aadan intaaba Wlhi Waan ku arkey,ilaahay Abaalkiisana jannatul Firdawz iyo durriyad saalixiin,iyo caafimadba hawgu Deqee,

* Waxaad Arkaysaa Kuwa Aad jaar’tihiiin oo la’leeyahay wuxuu la dhashay amma waalid u yahay Ganacsade wayn amma Sheekh Hebel  caan ka ah amma mid masuul qaran lagu sheegayo oonad One Day Arkaynin iyagoo so bokhanaya reerkaas Ehelkiisa ah’ee laga yaabo inay iska tabcaan sanyihiin xaga nolosha  inaad bookhato ehelka  ayaa wax wayn ah ood soo salaanto maalmaha Qaar,waayo waxay kaa “baranayaan jiilka kaa dambeeyaa sida loo bookhdo amma loo xidhiidhiyo ehelka iyo qaraabada,Wax siintu hakaa joogtee,maxaad joogtaan jidhkey qaboojisaa “

       

*  Waa Shakhsi si dhaw ula socda  marwalba xaaladda dadkiisu ku noolyihiin mid togan iyo mid tabban’ba,waa sheekha Qudha ee jecel in muwaadin kasta oo dalkan abaal gashadey mudnaantiisa la siiyo lana sheego dalka wuxuu Gashadey oo laguna ixtiraamo” haddii ay tahay mujaahid’ siyaasi,Aqoonyahan,Culimo,IWM”

* Waa Sheekha Qudha ee miskiinka amma danyarta dawladu  Ilowday soo tabiya duruufahooda nololeed,Ee Codka shacabkiisa ku hadla maalin walbana dareen kooda dhabta ah soo gudbiya,wixii uu wax ka qaban karana cidba aan ku halayn ee dhameeya,Waa sheekha qudha ee neceb in wixii bulshadu wada’lahayd koox yari sheegato amma ku takri fasho”ee jecel in uu bulshada isku waabiyo si Mid kastaa u helo xuquuqdiisa mu’waadinnimo,si niyad’samaan ah waddanka loogu wada jogo amma loogu wada noolaado “”””

* Waa Qof jecel bulsho sharaf kU wada nool”nolol bilaa xag xagasho ah,bulsho isku laab xaadhan “Aan is tuhmin,isku awood sheegan,sinaan wax u wada Cunta,Caddaalad isku Xukunta,isku damqata marka xaaladaha adagi soo wajahaan”waa Qof jecel Inuu dadkiisa U Hoga’tusaaleeyo xaaladda dalkiisa iyo ta caalamka ka jirta kU baraarugaan si ay diin tooda iyo dadnimadoodaba u ilaashadaan””

 

“Waa shakhsi jecel Somaliland Qalbi fur’naan iyo nabadd ku wada cawaysa kuna wada kaftanta,waa qof jecel umad wax isku Quudha oo isku haniyaysa.Waa qof xukuumada talada haysa runta iyo dhaliisheeda aan kala gabban oo sheega ummadu waxay xaq ugu leedahay iyo waxay ka gaabisayba,Waa shakhsi xilkasnimo,

dun wanaag,indheer garadnimo,waaya’arnimo

Badani ka muuqato,waa Sheekh ay ka muuqato inuu ku soo korey guri iyo Qoys Talis dhaqan iyo mid diineedba taaley runtii “”Waxaan ilaahay kuu waydiinayaa qaran ahaan iyo qoys ahaanba wixii aad na tartay inuu ilaahay caafimaad Iyo camal wanaagsan kuugu baddalo,ma gudi karno Abaalkaaga Abti”

“Waxaan hadal ku soo koobey 

1- Dalku sheekh Qaran ayuu u baahan yahay             Ee sheekh qoys uma baahna “”

2- Dalku Siyaasi Qaran buu u baahanyahay,lkn siyaasi qoys uma baahna 

By:WQ/Mohamoud Abdi jama (Fiiqane)

mmohamud.012@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here