Magaalo Ethiopia Ku Taala Oo Aan Laga Ogolayn Masaajiida

0

Dadka Itoobiyaanka ah ee heysta madhabta Orthodox ee diinta Krishtaanka, kuna nool magaalada Qadiimiga ah ee Aksum oo ah magaalo ay barakeystaan dadkaas ayaa xarun u ahayd boqortooyadii Sheba.

Balse magaalada ayaa ka duwan magaalooyinka kale ee Itoobiya oo Muslimiinta ku nool halkaas looma ogola inay ka dhisaan Misaajiid ay ku cibaadeystaan.

Koox Muslimiin ah ayaa u ololeynaya in magaaladaas Misaajid laga dhiso, arrinkaas oo ay ku gacan seyreen hogaamiyeyaasha diinta Krishtaanka, sheegayna in taasi ay ka xigaan dhimasho.

“Aksum waxay inoo tahay Makka oo kale, sidaas waxaa ku doodaya wadaad lagu magacaabo Godefa Merha, oo aaminsan in sida kaniisadaha ba looga mamnuucay meelaha islaamka ku weyn halkan na looga mamnuucay in wax Misaajid ah laga dhiso.

Wadaadkan ayaa intaa raaciyay in Aksum ay tahay magaalo ay barakeystaan.

“Haddii uu qof isku dayo in halkan uu Misaajid ka dhiso, waan dhimaneynaa, waligeed lama oggolaan arrintaas, mana oggolaan doona in arrintaas ay dhacddo inta aan nool nahay,” sidaas waxaa ku doodaya wadaadkan lagu magacaabo Godefa Merha.

Go’aankan mara ku dhagga ah ee ay aaminsan yihiin Krishtaanka heysta madhabta Orthodox ayaa buuq badan ka dhaliyay dalka Itoobiya, iyadoona dad badan ay ku doodayaan in Musliimnta loo caddaalad falo, si ay Misaajid uga dhistaan halkaas, Aadaanka salaadda na looga maqlo magaalada.

Hasayeeshee dad badan ayaa arrinkan u arkan mid aan munaasab ahay, maadaama magaalaaas ay xarun u ahayd qeyb kamid ah ilbaxnimadii Itoobiya ee boqortooyadii Aksum.

Sida ay aaminsan yihiin dadka taabacsan labada diin ee Krishtanka iyo Islaamka, Muslimiinta ayaa la sheegay in markii hore loogu yimid magaalada haatan loo diidan yahay inay Misaajid ka dhistaan.

Balse maanta Muslimiinta ayaa boqolkiiba 10 ka ah dadka ku nool magaalada Aksum oo ay ku nool yihiin 73 kun oo qof. Dadkaas ayaa sidoo kale boqolkiiba 85 waxay heystaan madhabta Orthodox, halka 5 boqolkiiba ay yihiin kuwa heysta diinta masiixiga.

‘Muslimiin lagu qasbay inay bannaanada ku tukadaan’

Maxamed Cali oo ku nool magaalada uu buuqa ka taagan yahay, heystana diinta Islaamka ayaa sheegay in qoyskiisa ay in muddo ah kiresyteen guri uu leeyahay nin Krishtaan ah, si ay Muslimiinta ugu tukadaan.

“Waxaan heysanaa 13 Mowlac, Maalinta jimcaha na haddii Krishtanka ay maqlaan Aadaanka salaadda, waxay dhahayaan waxaad liideysaan St Mary,” ayuu yiri.

Aziz Maxamed oo ah dhakhtar odhay dhaqameed ah, magaaladaas na ku noolaa 20 sano ayaa sheegay in Muslimiinta ay ku tukadaan bannaanada, maadaama aysan jirin meel ay ku tukadaan oo magaalada aysan lahayn wax Misaajid ah.

“Halkan, haddii aan nahay Muslimiin, inaga iyo Krishtaanka waan wada nool nahay, Krishtaanka naga ma aysan hor istaagin in aan tukano, balse in muddo ah waxaan ku tukaneenay bannaanada, waxaan u baahanahay Masjid,” ayuu yiri.

Arrinta ah in Misaajid laga dhiso magaalada Aksum ayaa xiisad horleh ka dhex abuurtay labada bulsho.

‘Nabad ku wada noolaasho ayaa u baahanhay’

Kala duwanaashahan ayaa sidoo kale soo shaac baxday 50 sano kahor, xiligaas oo uu tallada Itoobiya hayay Haile Selassie.

Hogaamiyihii xiligaas ee magaalada Aksum, kana dhashay qoyska boqortooyada ayaa xiligaas ballan qaad u sameeyay Muslimiinta, waxaana taasi ay keentay in Muslimiinta ay Masjid ka dhistaan meel 15 kilomitir ka baxsan magaalada Wukiro-Maray. Godefa ayaa sheegay in labada bulsho ay nabad ku wada noolaayeen, wuxuu intaa ku daray inay jiraan waxyaaba badan oo ay wadaagaan.

Godefa saaxiibkii waa Muslim, wuxuu BBC-da u sheegay inay isu yimaadaan xilliyada arooska, tacsida iyo xafladaha ay jiraan, balse wuxuu aaminsan yahay in dadka ka soo jeeda qeybaha kale ee Itoobiya ay arrintan dabada ka riixayaan.

Mas’uuliyiinta dowladda ee magaalada Aksum ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, inkastoo ay shegeen in bulshada labada dhinac ay nabad ku wada nool yihiin.

Kuwa badan oo heysta diinta Islaamka waxay ku raja weyn yihiin in sidii dowladii Haile Selassie oo kale, dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Abiy Axmed oo aabihii uu Islaam ahaa, hooyadii na ay Krishtaan tahay uu dhex dhexaadin doona labada dhinac, si loo dhowro sumcadda magaalada qadiimigi ah ee Aksum.

Dhanka kale Muslimiinta magaaladaas ayaa u muuqda kuwa ay ka go’an tahay sidii ay u heli lahaayeen Masaajido ay ku tukadaan.

Guddig ka kooban cullimo Muslimiin ah oo uu kamid yahay Imaamka golaha Muslimiinta ee Aksum ayaa sheegay inay doonayaan in wadahadal ay la galaan Krishtaanka, si ay uga dhaahdiciyaan in Misaajid ay ka dhistaan halkaas.

Source: Bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here