MADMADOWGA MIISAANIYADA D/HOOSE HARGEYSA 2018 & MAYOR SOLTECO. Qaybta 2aad

0
254

Adeega GIS Ma Soltelco Ayaa Hindisay Mise Hore Ayuu U Jiray………..!Mashruuca GIS, dawlada hoose ee hargeysa waxay bilawday 2004 waqtigii Mayor Jiciir, waxaana gacanta ku haysa Hay’adda UN-habitat oo maalgalintiisa bixisa wuxuuna hoos yimaadaa Mashruuca horumarinta dawlada hoose ee JPLG la yidhaa. Hay’adda UN-habitat waxay abuurtay Systemka database ka ah ee GIS, iyadoo ka hirgalisay dhaman waaxaha dawlada hoose, in laga shaqaysiiyo oo siday tahay looga faaiidaysto ayay ahayd waxaana ka gaabiyay mayor Solteco iyo gudida fulinta ee Golaha. Mashruucan maalgalintiisa ilaa maanta waxa gacanta ku haysa UN-habitat oo diyaar ula ah dawlada hoose ma garanayo sababta loogu kordhinayo cashuurta masaakiinta oo waliba shirkad macaaash doon ah loo siiyay fulinta mashruucan.

Sida ku cad miisaaniyada Dawlada Hoose ee 2018 mashuurcan GIS waxa loogu daray lacag ku dhow 3 milyan oo dollar, sidoo kale Cashuur kasta oo dawlada hoose qaado percentage ayay shirkadan ku yeelanaysaa. Shirkada wali heshiiskeeda Golaha lama horkeenin, waxna layskama waydiin kaliya miisaaniyada ayuunbaa lagu soo daray. Shirkadani waxay gacanta ku haynaysaa xogta dawlada hoose ee mashruucan GIS, mana jirto wax Data oo dawlada hoose kusoo wareegaya marka uu dhamaado, balse gacan ku haynta ayaaba lacag lagu siinayaa aan dhamaanayn.

Mashruucan GIS oo ay shuraako ku yihiin Mayor Solteco iyo koox ay xulafo yihiin ayaa ah waa weel loo samaystay hantida umada in lagu qaato, xataa iyagoo meesha ka tagay inay dhiiga maaskiinta sii dheefsadaan mustaqbalka waa arin layaab leh. Is waydiintu waxay tahay sababta mashruuca UN-habitat inaga caawinaysay loogu wareejiyay shirkad private oo cashuur loogu kordhinayaa shacabka Caasimada. Waxaana muuqata gaabis iyo meermeeris ka yimid dhinaca Mayorka oo shaqadii ay gacanta ku haysay UN-habitat dabada haya si marmarsiinyo looga dhigto GIS ayaanu samaynaynaa. Waxaynu sugnaaba waa dacwad UN-habitat iyo Solteco dhex marta ilayn GIS iyagaa gacanta ku hayee.

Qaybta danbe la soco

 Waxa Qoray Mohamed Gacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here