“Madaxweynuhu Wuxuu Na Faray In Aanu Hablaha Shaqaalaysiino” Maxamed Cali Bille

0
521

Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay sidii saami Buuran hablaha reer somaliland looga siin lahaa shaqooyinka qaranka.

Waxa uu xusay in fariintan uu faray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay ku shaqayn doonaan Dariiqa Uu Madaxweynuhu uu u jeexay Xukuumadiisa.

hadaba war qoraal ah oo uu agaasime Maxamed Cali Bille soo dhigay Degelkiisa Facebookga ayaa waxa uu u ku yidhi “Haddaad booqato dugsiyada amma jaamacadaha, waxa ad arkaysaa in hablo badani dhiganayaan. Kulliyadaha qaarkoodna waxa ad arkaysaa in habluhu ay ka badanyihiin wiilasha. Nasiib darro, hablihii si mug leh uugama muuqdaan goobihii shaqada. Madaxweyne Muse Biixi waxa uu na faray in hablaha la siiyo tixgelin gaar ah marka ay timaaddo shaqo-qorista. Taasi waa siyaasad anu hirgelin doono hadday noqoto Madaxtooyada iyo hadday noqoto hay’adaha dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here