Madaxweynihii Hore ee Killilka Shanaad Oo Maxkamad La Horkeenay

0
378
Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale maanta la hor geeyey maxkamad.
Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay muddo 14 cisha ah.
Cabdi ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.
Madaxweynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu siday Baabuur ay muraayadiihiisu qaawan yihiiin ayaa gacmaha kor u taagayay, waxaana la arkayay isaga oo ay silsiladi kaga xidhan tahay Gacmaha.
dhawaan ayay ahayd markii ay hooyadii iyo xaaskiisu ay warbaahinta u sheegeen in lagu dhex jidh dilo jeelka uu ku jiro oo ku yaala Magaaladda Addis Ababa.Image may contain: one or more peopleImage may contain: 1 person

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here