Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Somalia Oo Aqbalay In Ay Kulmaan

0

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa mabda’a ahaan aqbalay kulan ay yeeshaan sida ay ilo diblamaasiyadeed u sheegeen wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxay.

Xogaha diblamaasiyadeed ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Muuse Biixi door bidayo in kulanku ka dhaco dalka Sweden laakiin, madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in kulanku ka dhaco dalka Jabuuti.

Geesta kale waxay wararku sheegayaan in dadaallada uu wado dalka Turkiga ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay ka soo horjeedaan dalal reer Galbeed ah oo Maraykanku hormuud ka yahay, islamarkaana ay danaynayaan in kulanku ka dhaco Sweden.

Maxamed Cabdillaahi Cumar wasiirkii arrimaha dibadda xukuumaddii Siilaanyo oo hadda ka mid ah masuul ka tirsan hay’adda The Center For humanitarian Dialogue (HD) ayaa ku hawlan isu soo dhaweynta fikirrada Mr Biixi iyo Mr Farmaajo si loo hirgeliyo kulanka labada hoggaamiye.

Wada hadallada oo joogsaday sanadkii 2015 ayay ku guul darraysteen in ay dib u bilaabaan xukuumadaha Biixi iyo Farmaajo.

Source: Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here