Madaxweyneha Uganda Oo Cabsi Uu Ka Qabo Covid 19 Xafiiskiisii uga Guuray

0

Madaxweynaha Dalka Uganda Museveni Iyo Qoyskiisa ayaa u tamashle Tagay Beer wayn oo ay ku leeyihiin Degmadda Gomba.

Sidaas waxa warbaahinta u sheegtay xoghayaha Dhinaca Warfaafinta ee Aqalka Madaxtooyadda Uganda Linda Nabusayi.

Safarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee Uu Madaxweynuhu xafiiskiisa kaga baxay tan iyo intii uu dalkaasi ka dilaacay Cudurka Covid 19 ayaa waxa uu halkaasi joogi doonaa maalmo kooban.

Warbaahinta Dalka Uganda ayaa ku waramaysa in arrintan uu madaxweynuhu uga gol leeyahay in uu kaga fogaado suurtogalnimada uu shaqaalaha xafiiska kaga qaado cudurka Covid 19.

cabsida uu ka qabo cudurkaasi ayaa soo dedejisay in uu madaxweynuhu Beertiisan oo dhinaca kale daaqayso Lo’ tiro badani uu u caano doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here