Madaxweyneha Argentina Oo Qaabiley Haweenkii Waday Diyaarada Ethiopian Airline

0
474

8 March oo dunida laga xuso maalinta Haweenka, shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline waxa ay u ahayd Mid ay reebtay Taariikh, ka dib markii diyaarad bayloodada iyo shaqaale hoosaadka kaleba ay haween yihiin ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Addis Ababa, isla markaana ay cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Buenos Aires oo caasimad u ah dalka Argentina.

Hadaba Madaxweynaha Wadanka Argentina Mauricio Macri,  ayaa  qaabilay shaqaalaha diyaaradaasi Ethiopia Airline ee dhamaantoodba ahaa haweenka.

Kulankan oo ka qabsoomay Magaaladda Buenos Aires, ayaa waxa lagu soo qaaday sida ay diyaarada Ethiopian Airline taariikhda u gashay iyo waliba xidhiidhka cusub ee u bilawday wadamada Itoobiya iyo Argentina.

Maamulka Shirkadda Ethiopian Airline ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan duulimaadyadda tooska ah ee ay ku tagi doonaan Dalka Argentina, isla markaana ay u qorshaysan tahay sidii ay khadad kale oo ah Wadamada Ku Yaala Afrika, Asia iyo Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Magaalooyinka Beijing, Shanghai, Seoul, Tokyo, Mumbai, Delhi, Dubai, Beirut, Nairobi, and Cairo ay duulimaadyadooda ugu sii xoojin lahaayeen.

Ugu Yaraan 50 wadan oo ku yaala Qaarada Afrika ayay diyaarada Ethiopian Airline u kala socdaashaa, waxaanay sidaasi ku noqotay diyaarada marka qaarada Afrika Loo eego ugu duulimaadyadda badan isla markaana haysata kaalinta koowaad ee u kala safrida qaarada Afrika wadamada Ku Yaala.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here