Madaxweyne Trump Oo Sun Haddiyad Looga Soo Dhigay

0

Masuuliyiinta ammaanka ee Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa qabtay bushqad ku socotay madaxweyne Trump oo lagu soo riday sunta dilaaga ah ee Ricin.

Masuuliyiinta ammaanka aqalka cad ayaa hadda sheegay in bushqaddan loo soo ekeysiiyey dhambaalka la soo diray toddobaadkii hore laakiin aanay madaxweynaha gacantiisa gaadhin.

Dhammaan bushqadaha loo diro aqalka cad waxaa la sii mariyaa baadhis adag ka hor inta aanay gaadhin Aqalka Cad.

Hay’adda ammaanka madaxweynaha iyo waaxda dembi baadhista ee federaalka (FBI) ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaanno arrintan la xidhiidha.

Ricin waa sun khatar ah oo dhirta laga soo saaro.
Waxa Qoray Kamaal Axmed Cali 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here