Madaxweyne Silaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Sarkaalkii Lagu Dilay Boorame

0

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland iyo ciidammadda qaranka ka tacsiyadeeyay Geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee Xidigle Marxuum Faarax Caraale Waabari oo u geeriyooday ka dib markii uu toogtay askari ka tirsan ciidanka qaranku Salaasadii la soo dhaafay.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed SiIlaanyo ayaa tacsi u diray, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Militeriga oo uu ka tacsiyadaynayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Xidigle Marxuum Faarax Caraale Waabari oo 11/08/2015, (Salaasadii) u geeriyooday toogasho uu u geystay mid ka mida ciidanka qaranka, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay taliyihii aaga galbeedka Gaashaanle sare Xasan Caaqli oo hada lagu daawaynayo Cusbitaal ku yaal Jabuuti, madaxweynuhuna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo sarkaalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here