Madaxweyne Muuse Oo Prof Buubaa Ka Codsaday Saddex Qodob In Uu Kala Shaqeeyo

0
368

Magaaladda Hargeysa Waxa uu dhawaan Kulan uu ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Prof Ismaaciil Hurre Buubaa.

kulankan oo ka sokow sawirro ay madaxtooyaddu baahisay marka laga yimaado aan laga haynin xog rasmi ah, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ku yimid dalab uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay Ismaaciil Hurre Buubaa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku qaabilay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa xafiiskiisa ayaa kala hadlay maadamaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta ka mid ah kuwa ugu xogogaalsan siyaasada geeska in uu kala shaqeeyo dhawr qodob.

hadaba shabakada wararka ee hadhwanaangews oo u dhabo gashay qodobadaasi ayaa soo heshay waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ka kooban saddex qodob.

1- Madaxweynaha ayaa Siyaasi Buubaa ka codsaday in uu kala shaqeeyo xidhiidhka Itoobiya iyo is-badallada cusub ee ka curtay mandaqadda Geeska Afrika.

2- Xiisadda Tukaraq iyo Arrimaha beesha caalamka sidii loo darsi lahaa

3- Shirkii dhawaan Buurta Gacan-libaax ugu soo dhamaaday beesha Garxajis, iyadoo Buubaa uu madaxweynaha u sheegay in uu la qabo beeshiisa qodobadii kasoo baxay shirkaasi isla markaana wixii ku saabsan shirkaasi uu kala hadli karo guddida beesha.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa Ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay qodobada uu kaga codsaday kulankaasi badhkood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here