Madaxweyne Muuse Oo La Kulmay Prof Buubaa + Maxay Ka Wada Hadleen?

0
424

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilkaasi hayay Muddo 7 bilood ah ayaa markii ugu horeysay kulan la yeeshay Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.Image may contain: 1 person, standing

Prof. Buubaa ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aan la dhacsanayn Siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu inta badan dhaliilo kala duwan u soo jeediyaa Nidaamka Xisbiga Kulmiye.Image may contain: one or more people and beard

war qoraal ah oo lagu baahiyay bogga uu internetka ku leeyahay Madaxtooyadda somaliland ayaa qoraal kooban iyo sawiro ku saabsan kulankaasi Madaxweyne Muuse iyo Prof Buubaa dhex maray, waxaana uu u dhignaa sidan  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo salaasa ah taariikhduna tahay, 10-07-2018 kulan gaar ah la qaatay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, xubinna ka ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.Image may contain: 1 person

kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday is afgarad, waxaana ay madaxweynaha iyo siyaasigu isla qaateen inay si joogto ah uga wadashaqeeyaan danta guud iyo horumarka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here