Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco.

0
96

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Image may contain: one or more people, people standing, beard and outdoor

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.


Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Image may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana uu kula hadlay fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

Image may contain: one or more people, people standing, sky, shoes and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, crowd and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, people walking, sky, crowd and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, people walking, crowd, sky and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, suit, beard and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, crowd, child, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, crowd, car and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, car and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, car, sky and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here