“Madaxweyne magacaabisyada dheeli tir” Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)

0

Madaxweyne magacaabisyada dheeli tir

Waxaan ahay dadka aaminsan in qofka kartidiisa la qiimeeyo ee aan qabiilkiisa lagu qiimayn, hayeeshe dalkeenu wuxuu ka kooban yahay beelo iyo deegaano, ma nihin dal la aqoonsanyahay, waxaynu nahay yagleel cadaw badan ku wareegsanyahay, ta keliya ee duruufta darteed Somaliland midnimadeeda lagu ilaalin kara maanta waa in qarranka sida muraayadda deegaan iyo beel kasta iska dhex daawato.

Dhawrkii usbuuc ee ugu danbeeyay waxaan warbaahinta ku arkaayay saraakiil loo magacaabayo haayado iyo xafiisyada dibadda, 90% dadka la magacaabay madaxweyne waa beesha aniga iyo adiguba aynu ka soo jeedno.

Ceeb iyo nusqaan ayey ku tahay qaranka midnimadiisa iyo miisaanka xukuumadaadaba in darajooyinkii digreetooyinkaaga ku soo baxa ee qarranku beel qudha gacanta u gasho.

Madaxweyne adiga iyo beesha waqooyiga iyo galbeedka Somaliland degtaaba ma gayno in farta la inagu soo fiiqo oo aynu taariikh cadaalad darro ah oo la yidhaahdo “waa kuwii waa kuwii” kaga tagno Somaliland

Madaxweyne qarranka dheeligan foosha xun ee aad inagu rartay ka daji oo midnimada iyo wax wada lahaanshahii qarrankan soo celi.

Maalintii lagu doortay waxaan ku soo jeediyay madaxweyne tallo, waxaan kugula taliyay in aynaan u baahnayn hal wasiir wax ka badan. Laakiin waad uga dartay, madaxweyne haayadaha qarranka ha loo sinaado.

Madaxweyne maalintii lagu doortay waxaad tidhi waxaan doonaya inaan u noqdo Somaliland tiir loo soo wada hadh tago oo lagu ciirsado, laakiin weli intaan arkayo ficilkeedii ma arko.

Madaxweyne meel madaxa ka sareeya oo la salaaxa ma jirto, meel adiga ka saraysa oo midnimada iyo wax wada lahaanshaha Somaliland lagu soo celin kara ma jirto.

Wa bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here