Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Go’aan ka Gaadhay tartanka Kursiga 4aad Ee Kulmiye

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa La Sheegay In Uu Caawa Ka Tanaasulay Tartanka Guddoomiye Ku Xigeenka 4aad Ee Xisbiga Kulmiye.
Kursigan Oo ay Ku Wada Loolamayeen Wasiir Saajin ayaa Waxa ay Wararku Sheegayaan In Ergo Ku dhex Jirtay ay Ku Guulaysatay Waanwaantii Labada Murashax Laga dhex Waday.
In Kasta Oo Ergo Badani ay dhex Gashay, Hadana Kan U Dambeeyay Oo Caawa Qabsoomay Waxa Ka Odayeeyay Sida Ilo Xogogaal ahi Ku Warameen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Saylici Ayaa kursigan Ku Fadhiyay Dhawr Iyo Tobankii Sanno Ee U Dambeeyay Waxaana in Dhaweyd Uu Culays Siyaasadeed Oo way Kala Kulmay Maxamed Xasan sacad Saajin Oo ay Gobolka Awdalna Ka Soo Wada jeedaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here