Madaxweyne Geelle oo Djabouti Xukumayay Ilaa 1999-kii Waxa uu Weli Damac Kaga JIraa In uu sii xejisto Kursigiisa

0

Madaxweynaha Wadanka Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale damac uu kaga jiraa in uu ku guulaysto Doorashooyinka ka dhacaya Dalkaasi sanadkan.

Ismaaciil Cumar Geelle oo Doorashooyinkii hore guddiga Doorashooyinka ee wadankaasi ay sheegeen in uu ku helay codad Aqlabiyad ah, waloow ay jiraan mucaarad adag oo dibad meer ah isla markaana aan la dhacsanayn Jihada uu dalkaasi u socdaa waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 1999 oo uu talada dalkaasi qabtay in uu hir geliyay fulinta qorsheyaal kala duwan.

waxa uu xusay in higsiga Xukuumadiisu haddii ay talada ku guulaysto ay dejiyeen ilaa sanadka 2035.

Geelle Madaxweynaha 20ka sano dalkaasi taladiisa hayay waxa uu yidhi “Labaatan sano gudahood, Jabuuti waxay isu taagtay inay noqoto xarun caalami ah oo loojistikada iyo dekedda, waa inay noqotaa madal u dhexeysa Aasiya, Afrika iyo Yurub. Waxaa hagaya mashruuceena qorshaha iyo Himilada sanadka 2035”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here