“Madaxweyne Dalka Ka Saar Siyaasada Kooxaysan” Dr. Gaboose

0

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa xaalada dalka ku tilmaamay inay marayso meel aan indhaha laga qarsan Karin oo adag, waxa uu sheegay in dalka lagu maamulaayo siyaasad jeegaamysan oo ah kala qaybi oo xukun, waxa uu madaxweynaha ku dhaliilay sida loola dhaqmay gobalada darafyada iyo beesha Caare ee nabadgalyada madaxweynaha la hortimi.

Waxa uu madaxweynaha u soo jeediyay talooyin, waxaanu taageero u muujiyay shirka Burco oo uu ku tilmaamay mid turxaan bixin u noqon kara beelaha walaalaha ah ee wax ay ka dhex jiraan, Dr.Gaboose waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta Hargeysa kula hadlay, waxaana hadalkiisa ku bilaabmay.

Hordhac

Sida aad la socotaan muddo dheer ayaan ka maqnaa masraxa siyaasada inkasta oo ay jireen arimo badan oo mudnaa inaan ka hadlo sidaas waxaan mooday dan, waxaan doorbiday in aan umadayda ugu hagar baxo xirfadayda  waxii aan qaban karo, waxase isoo hiyi kiciyay xalayna aan la gami waayay markaan ku qancay heerka uu maanta dalku maraayo  oo ah mid xaasaasi ah oo aan indhaa laga qarsan Karin,waxa dareenkayga taabtay muxaadiro uu jeediyay Sheekh Aadan Siiro taas oo dhawaaq dheer iyo mid hoosaba  waano iyo tusaaleba  uu kula hadlaayay madaxweynaha JSL  iyo bulshada inteeda mudanba  mawduucuna ahaa dulmiga cawaaqib xumadiisa iyo halka ay diinta islaamku ka taagan tahay.

Ugu horayntii Mulkiga iyo talada hogaanka iyo kursiga waxa bixiya alle xumaan ka nasahane, waxaanu siiyaa hadba qofka uu doono, waxaan doonayaa inaan xuso sida uu doono ha ku yimaadee anigu ma ihi mid mdaxweyne Muuse Biixi madaxtinimada u diidan sababta oo ah waxaan ahay adoon ogol alle iyo ku tasarufka deeqihiisa, mana ihi qof xaasid ku ah hibo eebe bixiyay, balse taas badalkeeda waxaan si dhab ah u jeclahay madaxweynuu xilka uu umadda u hayo in alle ku asturo umaddana uu wanaag iyo cadaalad ku hogaamiyo kana tago taariikh wacan, waayo waad ogtihiin waa doon badweynta maraysa naakhuudaana nin uunba noqon lahaa dadka saaran oo dhan waxay jeclaan lahaayeen inuu safarkaasi ku dhamaado guul markaas haday xumaato way la wada xumaanayaan haday wanaagsanaatona waa ay la wada wanaagsanaanayaan

Xaalada Dalka

Waxase Ii muuqda oo aan diidanahay maamul xumada maanta dalka ka jirta iyo cidhib xumideeda danbe  waxaan jeclahay  inaan  iftiimiyo shirkaygan jaraa’id maaha mid ku waajahan weerarka kursiga madaxweynaha  ee waxa uu daaran yahay dardaarankii nabigeena CSW  ee ahaa u hiili walaalkaa hadii laga gardaran yahay iyo haduu gardaran yahayba, sawirka guud ee maanta dalku maraayo maaha mid qurxoon  waxaanu dib ii xasuusiyay midhaha ka dhashay talo xumadii lixdankii  isna waydiiyay sida bilaa gorgortanka ah  ee labadii dhinac ee midoobay dhankii kale ku qaateen dhamaan mansabyadii manficii dawladnimada baadigoobkii jawaabtaasi waxay noqotay in aan la’la tagin talo iyo quluub midaysan,ifafaalaha iimuuqdaa waxa uu itusayaa taloxumo iyo kala qaybsanaan ka qoto dheer tii hore lagana yaabo inuu maxsuulkeedu ka cidhib xumaado  tii lixdankii hadaan la daba qaban oo aanu eebe caymin.

Nasiib daro in mudo ahba waxa ka hanoqaaday gayigayaga siyaasad kooxaysan  oo ku qotonta kala qaybinta iyo kal irdhayta umadda walaalaha ah kooxdani waxay ku adeeganayaan isbahaysiga siyaasadeed ee Jeegaamaysan oo ah shaadh ay kaligood ku macaashaan, waxaan ku nuxnuxsanayaa  in marnaba aanay beelaha ay ka soo jeedaan aan loo aanayan Karin eraygaas  iyo siyaasada guracan ee ay hal abuurkooda leeyihiin, badanaa oo badanaa inta haldoor milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda beelahaas oo karaamo iyo waxqabad umadda u soo kordhin lahaa oo xayndaabka siyaasadana looga tuuray maadaama oo aanay la aragti ahayn.

Waxaan wada ogsoonahay in nuxurka halgankii adkaa iyo curashadii Somaliland ujeedadeedu ahayd inay dalkeena ka dhamaato cadaalad daradii  iyo dulmigii  badnaa  ee ina soo maray mid shaqsi iyo mid  deegaanba, lana dhiso bulsho weynta Somaliland bari iyo galbeed  oo nabdoon midaysan meelena u wad ajeeda dhib iyo dheefna  u siman,waxay cabashooyin sii kordhayaa  ka soo  butaacayaan Awdal iyo Selel  iyaga oo ah hoygii midnimada Somaliland ah loomana muujin wax garowshiyo ah, himiladii iyo dadaalkii sixitaanka  ee tabliiqiga siyaasadeed ee uu waday Prof.Axmed Ismaacil Samatar ee xanbaarsana xal nabadeed  iyo Somaliland la wada leeyahay  waxay ku danbaysay inay tis qaadi weyday lana siin waayay mudnaan.

Sida oo kale waxa jiho la’aan u daldalan gobalada Sool iyo Sanaag bari waxaana cad in marka laga tago ciidan  aan wax horumarin ah aanay ka jirin, waxaana ka alloosan dhaqdhaqaaqyo lidi ku ah nabada iyo xasiloonida  haldoorkii u yimi ee Cali Khaliif hogaaminaayayna waxay ka huleeleen dalka kadib markay la kulmeen bahdilaad iyo niyad jab,waxa soo durkaaya xuduudkii dalka ee Sanaag bari  iska daa garowshiyo  iyo baadigoobka xal qancin kara bulshada ee waxaan ka arkaynaa warbaahinta iyada oo ciidamadii qaranka ee tabashada qabay loola dhaqmay qaab ka baxsan milgaha maamul iyo ka ciidanba laguna sheegay calooshooda u shaqaystayaal iyo basaasiin  inagu dhex jiray inta hadhayna loogu baaqay inay ka daba tagaan taas oo macnaheedu yahay in la inkiro xuquuqdooda muwaadinnimo, iyada oo ragaas ay ka mid ahaayeen qaar badan oo tiraba dhawr jeer u dhaawacmay qaranka Somaliland, duruufo adagna ugu dhabar adaygay.

Waxa mudo dheer aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kala qaybi oo xukun fogaynaysay sokeeyii haldoorkooda intii badnad ay ku leedatay sidii dalkan iyo dadkuba u xoroobi lahaayeen, inkasta oo ay muujiyeen  inay ogol yihiin qaranimada Somaliland iyo la shaqayta hadba hogaanka jooga waxa loo sawiray inay yihiin cadow, maantana waxay ka aradan yihiin manfac iyo mansaba waxay xaq iyo xuquuba u lahaayeen, waxa kala shaki la kala dhex dhigay iyaga iyo walaalahood taas oo wiiqday muuqaalkii wadajirka ee qarankeena,nabigeenu CSW waxa uu ku dardaarmay in la karaameeyo kuwa beelahooda iyo bushada  karaamada ku dhex leh, waxaan liqi kariwaayay in madaxweynuu qiimayn waayay odayaasha beelweyntii siday nabadaynta arintii Caare, fadhigaasna waxa ugub ku ahaa isla markaasna bahdilaad u muuqday in  madaxweynuu odayaasha nabadii la qaadan waayay isla markaasna cajalad ka duubay soona baahiyay.

Waxa isa soo taraaya nasiib darada ku habsatay nidaamkii doorashada Somaliland oo umuuqda mid fadhiid ah  waxaana mudo dhaaf ah doorashooyinkii baarlamaanka iyo  kuwii golayaasha deegaanka, iyada oo nasiib wanaag aanay dalkeena ka dhicin aafooyin sababi kara dibu dhaca intaas leeg, arintaasi waxay dhabar jab ku tahay in dalka iyo dadkuba ay helaan xuquudoodii ahayd kala xulashada kaadirkii ku haboonaa hogaanka mustaqbalkooda, intaas oo rajo xumo ah waxa ka sii daran shaqo la’aanta baahsan, dhaqaale xumida saamaysay bulshada  inteeda badan cadaalad darada iyo musuq maasuqa xadhkaa goostay, xadhiga iyo cagajuglaynta loo gaysanaayo cid kasta oo fikirkeeda saliimka ah cabirta  iyo awoodii dawliga ahayd oo aan si aan habrasho lahayn loogu xalaalaysanaayo hantidii qaranka iyo tii danyarta baroorta hooyaduna ay ka dul yeedhayso dhagaheena.

Qadiyada Somaliland

Qadiyada Somaliland oo ah mid aan u soo halgamay aaminsanahayna inay danteenu ku jirto kumidho dhalimayso  in naxli la kala dhex dhigo bulshada reer Somaliland iyo shacabka kale ee Somaliya mana aha inay noqoto mid hirgalinteeda lagu baadi doono ciil cadho iyo xiqdi, dhibaatadii loo gaystay reer Somaliland looma aanayn karo dad shacab ah, waxa gaystay oo ay tahay in lagula xisaabtamo taliskii Maxamed Siyaad Bare sida aan maanta dhibka xukuumada Muuse Biixi gaystaa aan beel  iyo cid kale toona aan loo aanayn karayn, inkasta oo ay jiraan intaas oo mugdi ah oo is saaran waxaan u arkaa shirka dhawaan laga iclaamiyay Burco inuu noqon karo mid badbaado qaran, shirkaas waa mid dhaqan oo turaaxn bixin kara in kalsoonidii iyo walalnidimadii soo noqoto, waxaan ku talinayaa in shirkaas aan lagu soo koobin labada beelood oo kaliyaata ee gogoshu noqoto mid furan oo turxaan bixisa kulmisana beesha dhexe ee la kala irdheeyay iyo beelaha kale ee Somaliland dhamaantood.

Talooyinka

Waxaan madaxweynaha JSL kula talinayaa

1-Madaxweyne inaad meesha ka saarto siyaasada kooxaysan  oo loo aanaynaayo kala irdhaynta bulshada umaddna aad dhex u noqto.

2-Inaad garowshiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag Bari ee ka soo gaadhay jananka Ciidanka Qaranka.

3- Inaad mudnaan gaar ah siiso tabashada gobalada Awdal iyo Selel, Sool iyo Sanaag Bari kuwaas oo la’aantood aanay jiri Karin Somaliland.

4-Inaad hoos u eegto cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadu.

5- Inaad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fakarkeeda saliimka ah cabirta xoriyadiidna aad u soo celisid muwaadiniinta u xidhan  aragtidooda.

6-Inaad si dhakhso ah aad isugu yeedho waayeelka iyo waayo araga umadda kalana tashato xaalda adag ee dalku maanta maraayo sidii looga bixi lahaa.

7-Waxaan waxgaradka umadda ugu baaqayaa inay fadhiga ka kacaan oo ay yaqiinsadaan in waxa laysku hayaa ay ka weyntahay waxaan isku nahay, beerkoodana ay burcad isku mariyaan hadii hogaanku wanaagsanaadana oo horumarkooda iyo wadajirkooda uu ku dhaqaaqana ay taageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here