Madaxweynaha Somaliland Oo Eedaymo Ujeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay U Jooga Muqdisho

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Ergayga Qaramada ee fadhigiisu yahay Magaaladda Muqdisho in uu ku kacay falal liddi ku ah qaranimada somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi 

“Sanadahan daambe hay`ado aan siyaasado gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, ee ay ka mid yihiin hay`ado badan oo isku magacaaba samafal oo dadka canshuurta bixiya ee dalalkooda lacag kaga soo uruuriya waxaanu gargaareynaa dad baahan oo aanu samafal u fidineynaa.

Hay`ado badan oo ka mid ah sanadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimeysa ama aan ku habbooneyn qarannimada Somaliland, oo ah inay fuliyaan oo ay raacaan amarrada laga siiyo Villa Somalia ee dowladda ay iyagu ilaaliyaan ee ay mushaarka ka bixiyaan,markaas ayay u soo gudbiyaan Somaliland inay ku dhaqmaan, taasina ma suurtoobeyso.

Hay`adaha waxaan muddo dheer isku heynaa wixii annaga iyo dadkayaga aad tareysaan annaga ayaad nagala tashaneysaan, sida loo fulinayo, sida loo qorsheynayo iyo baahiyahayaga, ninkii taas yeeli waayo wixiisa ha iska heysto, hadduu dowlad yahay iyo haddii uu hay`ad yahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here