Madaxweynaha Masar Oo La Wareegay Hogaaminta Afrika

0

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al Siisi ayaa la wareegay hogaaminta midawga Afrika.

shirkii 32aad ee qaramada midawga afrika oo ka dhacay Magaaladda Addis Ababa ayaa waxa xilkaasi kula kala wareegay Madaxweyneyaasha wadamada Rwanda Paul Kagame Iyo Masar Abdel-Fattah al-Sisi.

shirkan ayay Hogaamiyeyaasha sidoo kale ka wada xaajoonaya dadaallada isdhexgalka ganacsiga Africa iyadoo sannadkii hore ay saxiixeen ganacsiga xorta ah ee Africa kaas oo shabahaya kan Midowga Yurub.

Waxyaabaha kale ee looga hadli doono kulanka maanta ka dhacaya xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa ka mid ah dhibaatada ay bacda ku hayso deegaanka iyo sidii dalalka qaaradda ay dhammaantood u mamnuuci lahaayeen adeegsiga bacaha.

Midowga Africa ayaa sameeyay isbedello badan oo ah qaabka ay u shaqeeyaan iyagoo ka duulaya sidii ay uga maarmi lahaayeen ku tiirsanaanta dalalka caalamka oo ay iyaga isku filnaansho u gaari lahaayeen inkastoo isku dayadaasi aysan guul la taaban karo ka gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here