Madaxweynaha Eritrea Oo Safar Ku Tagaya Jabouti + Maxaa Isbedelay?

0
82

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afeworki ayaa maalmaha inaga soo fool safar ku tagi doona dalka Djabouti.

Sidaasna waxa warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Djabouti, waxaana uu xusay in madaxweynuhu uu kulan la yeelan doono Madax Weynaha dalka Djabouti.

In kasta oo aanu wasiirka arrimaha dibadda ee Djabouti Maxamuud Cali Yuusuf aanu sheegin wakhtiga rasmiga ah ee uu madaxweyneha Eritrea safarka ku tagi doono, hadana waxa uu xusay in warkaasi uu yahay mid la hubo.

“Weli ma hayno wakhtiga saxda ah, laakiin labada madaxweyne waxa ay is weydaarsan doonaan booqashooyinkooda” ayuu yidhi.

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “waxa aanu dib u soo celinaynaa kalsoonidii:” ayuu yidhi

Waxa uu intaasi ku daray in uu wax badan ka shaqeeyay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia isla markaaan hadda la isaga soo dhawaaday intii hore.

Colaada labada wadan ee Eritrea iyo Djabouti ayaa soo taxnayd mudo dheer, waxaanay ka kacday xadka labada wadan kala qaybiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here