Madaxwaynihii iskaga tagay Xukunka

0
Cabdiraxman Siwaar Aldahab wuxuu ahaa Wasiirkii Difaaca iyo Taliyihii Guud ee Ciidamada Wadanka Suudaan xilgii Madaxwayne Jacfar Al Numayri.
Bartamihii Sannadkii 1985-kii ayaa dalka Suudaan waxaa ka curtay Mudaharaadyo looga soo horjeeday Dowladii Mileteriga ee uu hogaaminayay Madaxwayne Jacfar Al Numayri,
Markii ay xoogeeysteen banaanbaxyadii iyo kacdoonkii dowladda ka dhanka ahaa,ayaa waxaa wadanka ka dhacay afgambi ay hogaaminayeen Ciidanka xooga oo uu madax ka ahaa Cabdiraxman siwaar Al Dahab.
Waxa uu jeediyay khudbad taas oo uu ku sheegay in xukunka ay ku soo celinayaan gacanta shacabka mudo sanad ah.
Waxaa uu fuliyay Balantii uu dadkiisa u qaaday,isagoo xukunka shacabka ku soo celiyay mudo ka yar sanad.
Waxaa la doortay Dawlad shacbiya oo uu hogaaminayay Madaxwayne Ahmad al-Mirghani.
Cabdiraxmaan Siwaar Aldahab wuxuu waqtigaas iskaga baxay siyaasada isagoo waqtigiisa ku dhameeyay u shaqeynta Dacwada iyo Faafinta Diinta islaamka.
Waxa uu madax ka ahaa Ururka Dacwada islaamka oo xaruntiisa tahay dalka Sacuudiga.
Hogaamiyahan waxa uu ku geeriyooday Wadanka sacuudiga, Bishii October 18-kedii Sannadkii 2018 isagoo 84 jir ah waxaana lagu aasay qabuuraha Baqiic.
Eebe Ha U Naxariisto Cabdiraxman Siwaar Aldahab.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Cabdidahir Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here