Madaxwaynaha Somaliland Muxuu mar walba halis u geliyaa naftiisa?

0
Waa run oo Somaliland waa meelaha ugu nabadda badan adduunka, nabaddu waxay ku timi deeq Alle iyo dedaal waxgaradka iyo talo-qabeenkii bulshadani la yimaadeen.
Umadda reer Somaliland waxay ahayd bulsho qofiba qofka kale garanayo, xidhiidhada dibadduna waxay ahaayeen kuwo xaddidan amaba aan jirin, balse tan iyo intii madaxwayne Biixi talada qabtay, waxaa jira isbedello dhacay, Somaliland waxaa kor iyo hoosba ula hadlay Shiinaha, waxaa loogu digay inay ka dheeraato xidhiidh ay la yeelato jasiiradda Taiwan, taasi oo uu Shiinuhu u arko inay tahay qayb kamid ah dhulkiisa.
Somaliland way ka dhega-adaygtay arrintaas, safarkan maanta ugu dambeeya madaxwayne Biixi wuxuu la kulmay madaxwaynaha Kiiniya, dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay ku doodayaan inuu adeegsaday ”siyaasadda miirooga”, taasi oo Kiiniya cilaaqaad wanaagsan iyo dhaqaale samayn kaga rabto Somaliland, dhankeeda Somaliland waxay doonaysaa ictiraaf haddii ay waydona xidhiidh wanaagsan oo ay ku samayn karto galaangal siyaasadeed.
Taasi kama farxinayso Itoobiya oo Malaayiin Dollar ka heshay qaadka ay Somaliland keento, iyo ganacsatada lacagta badan ka sameeyay qaadka Itoobiya.
Waxaa jira kooxo araga-gixiso ah, kuwaas oo iyana mar walba ah khatar taagan, adeegsanna kara waddo kasta oo ay ku waxyeellayn karaan madaxda Somaliland, sidii ay horeba isugu dayeen markii ay madaxwayne Riyaale damceen inay ku dhex dilaan madaxtooyada.
Somaliland waxay leedahay cadow badan, kuwaas oo dal iyo dibadba jooga, waa qaar aan ka daalayn dibin daabyaynteeda, isla markaana jecel dhibaatada shacabkeeda.
Madaxwaynuhu waa astaanta qaranka, ma aha mana habboona inuu u socdo si aan habboonayn, waayo dhibta soo gaadhaa waa mid wada taabanaysa dalka oo dhan.
Mar hore madaxwaynuhu wuxuu geliyay naftiisa khatar, kadib markii uu dhex lugeeyay waddo baabuurtu si daran u socdaan, maantana sidii uu marar horeba yeelay, wuxuu kasoo dhex baxay gaadhigii dhufayska u ahaa, iyada oo ay hareerihiisa tuban yihiin boqollaal qof.
Waaxaha nabadgeliyada iyo nidaamka u qaabilsan madaxwaynuhu, miyaanayn dareensanayn khatarta jirta? Mise madaxwaynaha ayaa ku dhega-adkaaday?
Shacabku inay arkaan madaxwaynahoodu waa wax ammaan mudan, balse waa in si xil-kasnimo ah looga dhawraa khatarta uu wajahayo madaxwaynuhu xilligan oo aanay Somaliland ahayn sidii ay waayo ahaan jirtay.
Waxa Qoray Wariye Axmed Maxamuud Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here