Madaxii Telefishanka Pakistan Oo Shaqada Looga Eryay Markii Telefishanku Khalday Magaca Magaalo uu ra’isal wasaaruhu joogo

0
75
Madaxii Telefishanka dalka Pakistan ayaa shaqadii uu hayay laga caydhiyay ka dib markii uu si live ah u soo tabisay safarka Ra’isal Wasaare Imran uu ku joogo dalka Shiinaha.
arrinta soo dedejisay erigiisa ayaa ahayd markii uu magaaladda ‘Beijing’ oo uu ku sugnaa khalday magaceeda isaga oo ka dhigay in ay tahay  ‘Begging’… sidaas laga baahiyay telefishanka.
Magaca khaladka ah ayaa ka muuqday telefishanka Koonihiisa, waxaana markiiba lagu war geliyay agaasimaha Guud ee Telefishankaasi in uu shaqada ka baxo.
arrintan ayaa si weyn loogu falanqaynayay baraha bulshada, waxaana lagu tilmaamay in ay tahay dhacdo la yaab leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here