Madaxa Xafiiska Ingiriiska Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Xaalada Saxaafada Somaliland

0

Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriisku ay ku leedahay Magaaladda Hargeysa Stuart Brown ayaa dhaleecayn u jeediyay Warbaahinta Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in Qaar ka mid ah hay’addaha warbaahinta ee ka hawl gala soomaaliland aanay lahayn Tifaftir, isla markaana ay soo wajahdo saxafiyiinta ka hawl gasha soomaaliland duruufo adag oo ay ku jiraan xabsiyo.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay degelka Twitterka, waxaana uu u dhignaa sidan   “In aad suxufi halkan (Somaliland) ka ahaataa waa arrin adag. Xadhigguna wuxuu ka noqday wax la caadaystay; haayado badan oo warbaahineed ayaan lahayn tayo tifaftirnimo; habdhaqanka suxufi ee liita ayaana wiiqaya xirfadda (warbaahinnimo).

Dawladda UK Waxa ay taageeraysaa isbedel kasta oo lagu bixinayo Horumarinta saxaafadda” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here