Madarasad Ku Taala Pakistan Oo Ay Hal Million Oo Qof Ay Ka Barteen Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah

0

Wafaq ul Madaris oo ah mid lagu barto xifdiga Qur’aanka Kariimka ah, kuna taala dalka Pakistan ayaa Kaalinta koowaad u gashay Madarasadaha caalamka islaamka ka dib markii ay noqotay tii ugu horeysay ee ay ka soo baxaan dad gaadhay hal milyan oo xafidsan Qur’aanka Kariimka ah.

“Hal Milyan oo arday ayaa bartay Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah tan iyo markii La aas-aasay machadkan sanadkii 1982” sidaas waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Madarasada xifdiga Qur’aanka Waqaf Ul Madaris  Hafeez Jalandhari.

sidoo kale waxa uu sheegay in sanadkan 2019 ay Qur’aanka xafideen arday gaadhaysa 78,000,kuwaas oo 14,000  ka mid ahi ay ahaayeen gabdho.

In kasta oo aanay luuqada koowaad ee Dalka Pakistan ahayn carabi, hadana ardaydan ayuu sheegay masuulkani in ay yihiin kuwo awood u leh xifdiga qur’aan kariimka ah, si la mid ah ardayda dalka Saudi Arabia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here