Macluumaad Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Xinjiroowga Dhiigga Ee Talaalka Covid 19

0

Wakaaladda Daawooyinka Midowga Yurub iyo hey’adda sharciyaysa daawada iyo qalabka caafimaad ee Ingiriiska ayaa kala qabtay shirar jaraa’id oo kala gadisan kuna saabsan warbixinno sheegayay in calaamadaha xinjirowga dhiigga lagu arkay dadka qaatay tallaalka shirkadda Oxford/AstraZeneca.

Ugu horreyn, Guddiga Qiimeynta Halista Daawoyinga ee Midowga Yurub ayaa sheegay in xinjirowga dhiigga aan badanaa dhicin lagu daro liiska waxyeellada aadka u yar oo ka timaada tallaalka AstraZeneca kuwaas oo aan lagu xusin waxyeellada tallaalka xilliga tijaabada, ama aan hore lagu arkin dadka qaatay tallaalkaas. Sidoo kale, waxay carrabbaabeen in ay suurtagal tahay in xiriir ka dhaxeeyo xaalado aad u yar xinjirowga dhiigga aan badanaa dhicin iyo tallaalka AstraZeneca.

Faa’iidooyinka tallaalka AstraZeneca ee ka hortagga cudurka COVID19 guud ahaan ayaa ka miisaan culus halista waxyeellooyinka ka timaada tallaalka”, ayay tiri Emer Cooke, Agaasimaha Fullinta ee Wakaaladda  Daawooyinka Midowga Yurub

illaa iyo hadda, 169 xaaladood oo xinjirowga dhiigga ee ku dhaca maskaxda iyo 53 xaaladood oo xinjirowga xididdada dhiigga ku dhaca ubacda ayaa lagu arkay dadka qaatay tallaalka oo gaaraya 34 milyan oo qof kuwaas oo ku kala nool Midowga Yurub iyo Ingiriiska”, ayaa lagu xusay war-saxaafaddeed ka soo baxay Wakaaladda Daawooyinka Midowga Yurub.

Dhanka kale, Hey’adda Sharciyaysa Daawada iyo Qalabka Caafimaad ee Ingiriiska ayaa sheegtay in suurtagal tahay xiriir ka dhaxeeyo xinjirowga dhiigga iyo tallaalka AstraZeneca, balse waxay carrabka ku adkeysay in weli faa’iidooyinka tallaalka ay ka badan tahay halistiisa, ayadoo tixraaceysa tirada dadka la siiyay tallaalka Oxford/AstraZeneca oo ah in ka badan 20 milyan oo qof kuwaas oo ku nool Ingiriiska, in kastoo 79 qof oo ka mid ah dadkaas lagu arkay calaamadaha xinjirowga dhiigga, halka dhimasahadu tahay 19 qof.

Dadku waa inay qaataan tallaalka markii uu soo gaaro”, ayuu yiri Dr June Raine, Madaxa fulinta hey’adda sharciyaysa daawada iyo qalabka caafimaad ee Ingiriiska.

Kadib warbixinnada labada hey’addood, guddiga dowladda Ingiriiska kala taliya tallaalka ayaa ku talliyay in tallaalka Oxford/AstraZeneca aan la siin dadka ka yar 30 sano.

 

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa booqday warshadda AstraZeneca ee ku taallo magaalada Cheshire ee Ingiriiska. Booqashada kadib waxa uu bulshada ugu baaqay in ay dhageystaan tallooyinga hey’adda sharciyaysa daawada iyo qalabka caafimaad ee Ingiriiska. “Hey’adda waa mid ka madax-bannaan dowladda, tallada ay dadka siisay waa, ‘in bulshada qaadato tallaalka’”, ayuu yiri Boris Johnson, Ra’iisul wasaaraha Ingiriska.

Bishii hore, qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa hakad geliyay ollolihii tallaalka Oxford/AstraZeneca sababo la xiriira walaac ka imaanaya dhibaatooyinka uu keenay, balse intooda badan ayaa dib u billaabay tallaalka ka dib markii ay aqbaleen tallooyinga hey’addaha ansixiyay. Hasa yeeshee dhowr dal ayaa xaddiday isticmaalka tallaalka go’aanna ku gaaray in aan la tallaalin dadka da’ada yar.

Dowladaha Jarmalka iyo Holland ayaa tallaalka siin doona dadka da’adoodu ka sarreysa 60 sano, France iyo Canada waxay siin doonaan dadka ka weyn 55 sano, halka dalalka Sweden iyo Finland 65 sano, Iceland 70 sano. Balse dalalka Denmark iyo Norway waxay sugayaan xog dheeri ah iyo caddaymo oo warbixintaan ka xoog badan.

Waa maxay xinjirowga dhiigga ee ku dhaca maskaxda? 

Xinjirowga dhiigga ee ku dhaca maskaxda; waa marka xinjiro dhiig ah ay ku sameysmaan xididdada maskaxda. Xaaladdaas waxay ka hortageysaa in dhiiggu ka soo baxo maskaxda, taas oo sababta dhiigbax ka dhaca maskaxda dhexdeeda. Calaamadda ugu horreeya ee cudurka ayaa ah; Madax-xannuun daran, aragga oo xumaada, in aad awoodin xakamaynta dhaqdhaqaaqa qayb ka mid ah jirka iyo miyir-beelid.

Dhacdooyinka xinjirowga dhiigga ee ku dhaca maskaxda waa 1 illaa 16 qof hal (1) milyan ee qof sannadkii.

Xinjirowga dhiigga ee ku dhaca Ubacda; waa xinjirow ku dhaca xididdada ubacda, kuwaas oo kasoo bilaabma qeybta hoose hunguriga madoowaaha ilaa malawadka. Calaamadda cudurka ayaa waxa ka mid ah; neef qabatin, xabad xanuun iyo xanuun joogto ah oo caloosha ah.

Source: http://www.somalihealth.net/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here