Macalinkii Nabarka Gaadhsiiyay Maamulaha Dugsiyadda Nuuradiin Oo La Sheegay In Cuntadii Loo Diiday

0

Hargeysa (Sagalnews) – Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo dhawaan nabaro gaadhsiiyay Maamulaha Guud ee Dugsiyadda Nuuradiin Mahad Maxamed Ibraahim oo weli ku jira xabsiga ayaa la sheegay in loo diiday in la siiyo cunto.

Sida uu qoray Abu Xaatim Haybe oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay in iyaga iyo Eheladiisaba loo diiday in ay cunto u geeyaan macalinka.

Qoraalkaas oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay facebookga ayaa waxa uu ku yidhi “Waxa aan saaka ugu talo galnay in aan booqano Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed, laakiin Waxaanu la kalunay wax aanaan filayn ka dib  markii aanu gaadhnay saladhiga daloodho ee aanu marayno alabaabka saldhiga ee aanu la kulanay shaqalihii albaabka joogay waxaanu uga waranay inaan u socono macalinka xidhan laakiin  wey iga diiden si kasta oo aan ula hadalay wey naga diideen, xitaa cuntadii aanu u sidnay wey diiden inay ugeeyaan. 

Kadib waxan la xidhiidhay eheladii macalin c.raxmaan waxa ay isheegeen in iyaga laftigooda loo diiday inay ugalaan macalinka. 

Macalinka lugta iyo gacantuba wey jabanyihiin, lugta qaliin ayaa la marinaya waayo meel halis ah ayay ka jabantay. 

Runtii waa dhibaato weyn oo ubaahan in madaxweyneha la gaadhsiiyo.  Alle ha caafiyo macalinka.

Abu Xaatim Haybe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here