” Macalin’ Ismaaciil , Xikmad iyo Xarago ” Axmed Nuur Guruuje

0
460

Abidkii rag waa go i jiree , kanise waa gowe ,

Lix hal oo u wadda gaar ahaa , goconayaa mooyi . Cali jaamac haabiil .

Waxa caawa ku geeriyooday Magaaladda Hargaysa , Marxuum Macalin Ismaaciil Cali Faarax oo ku magac dheeraa Ismaaciil Dhubato .

Macalinka waxaa iigu horaysay aragiisa iyo maqalkiisaba sanadii 2000 , oo aanu isugu nimi Dugsiga Axmed gurey oo aanu ku galay Imtaxaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga hoose dhexe , isagoo naggu soo hagaagay xiisaddii Carabiga iyo Diinta .

Marxuumka maalintaas waanu isku yara dhacnay , ka dibna waxaa na dhex galay saaxiibkay Cadde , ka dibna isla sanadkaas ayaanu mar kale isugu nimi Iskuulka Maxamuud Axmed Cali , oo uu iigu noqday Macalin .

Marxuumku wuxuu ahaa , Macalin dabiiciya oo mihnadda Macalinimo u dhashay oo aad moodaysay in looba abuuray in uu macalin noqdo , wuxuu ahaa saaxiib ardayda Iskuulka mid walba la saaxiiba , dabeecadiisa yaqaana , si gaarana ay isugu xidhan yihiin , wuxuu nin mar walba faraxsan oo xiisadiisu ahayd mid loo xiiso oo laggu xisaabtamo .

Marxuumka mudadii dambe , saaxiib baanu ahayn , marnaba maanu kala fogayn , waxaa iigu dambaysay maalintii uu sawirkan galay oo ahayd , maalintii Madaxwaynuhu booqday wasaaradda Tacliinta , Madaxwaynaha oo aad ugu faraxay kulankiisa ayaa ka qortay telefoonka , markaasuu isagoo madaxwaynaha la kaftamaya uu yidhi , Abti aniga sawir uun ila gal sawirkaagaa ayaa igu filane .

Marxuumku waa tiir wayn oo ka baxay bahda waxbarashadda iyo saaxiib ay waayeen kumanaan qof oo mid waliba is leeyahay adiga ayuun buu kula saaxiib ahaa, ugu dambayn marxuumku wuxuu la god galay Xikmad iyo xarago uu ku dhamaystay noloshiisii qiimaa lahayd , naxariistii janno alle ha siiyo , dhamaanteena samir iyo iimaan alle ha inagga siiyo , inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here