Maamulkii Jaamacadda Hargeysa Oo La Eryay iyo Wakhtiga Jaamacaddu Dib U Furmayso Oo La Cayimay

0

Khilaafkii sababay in Jaamacadda Hargeysa xidhnaato dhawr iyo toban cisho ayaa xal laga gaadhay kadib markii shaqada laga eryay Afartii masuul ee isku haystay maamulka Jaamacadda. Guddida sare ee jaamacadda ayaa shaqada ka eriday guddoomiyihii jaamacadda Cabdi Xuseen Gaas, kuxigeenkiisa Cabdisalaan Yaasiin iyo sidoo kale hormuudkii kuliyadda Sayniska Axmed Maxamed Cadaad iyo hormuudkii kuliyadda ganacsiga iyo dhaqaalaha Keyse Cali Geeddi. Afartaasi masuul ayaa hogaanka jaamacadda ku muransanaa tan iyo sanadkii hore iyadoo aakhirkiina arrintaasi sababtay kala qaybsanaan ardayda Jaamacadda ah iyo rabshado ka dhacay jaamacadda. Qoraal lagu baahiyay barta facebook ee Jaamacadda Hargeysa ayaa go’aanka guddida iyo wakhtiga jaamacaddu dib u furmayso lagu sheegay waxaanu u dhignaa sidan:- “Kaddib kulamo badan oo ay yeesheen, Shaqaalaha, Gollaha Sarre & Senate ka Jaamacadda iyo Madaxweynaha JSL & Gollaha Sare waxaa guud ahaan xal laga gaadhay khilaafaadkii jiray iyo shaqo joojintii Shaqaalaha. Gollaha Sarre wuxuu istiqlaaladii shaqo ka tagis ka aqbalay Dr Abdi H. Gass iyo Prof Abdisalan Yasin. Sidoo kale wuxuu xoojiyay isla markaana meel mariyay go’aankii hore ee shaqada lagaga joojiyay Labadii Hormood Kuliyadeed. Gollaha Sare wuxuu Gudoomiye ku meel gaadh ah u magacaabay Mudane Mahdi Cismaan Buuri. Laga bilaabo Sabti 8 August 2015 Jaamacaddu dib ayay u furmaysaa Haddii Eebe Idmo. Ardaydii ay u socdeen Imtixaanaad ku waxa lala socodsiinayaa in ay Imtixaanaad ku dib u bilaabmi doonaan Isniin-ta 10-ka August, 2015, iyagoo ku salaysan Jadwaladii iyo Saacadihii ay kuliyad waliba galaysay ee hore loo iclaamiyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here